Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Barwaaqo Oo Guddi Cusub magacaabay

    0

    Hargeysa (SLpost)- Urur siyaasadeedka Barwaaqo, ayaa noqday ururkii u horreeyey ururada siyaasadda ee soo baxay ee Guddi Gaar ah u magacaaba Xidhiidhka ururku la leeyahay Daneyayaasha maxalliga ah ee Arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

    War-saxaafadeed uu u saxeexan yahay guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxa uu ku magacaabay Guddiga ururka ee Xidhiidhka Ururrada Siyaasadda iyo Hay’adaha Qaranka u Qaabilsan Arrimaha Doorashooyinka oo saddex xubnood ka kooban.

    Xubnaha Guddiga la magacaabay oo saddex xubnood ka kooban, waxa sida War-saxaafadeedka lagu sheegay ansixiyey Guddiga Fulinta ee ururka, waxaanay go’aanka magacaabistoodu ku timi kaddib kulamo is-daba jog oo maalmihii u dambeeyey u socday Hoggaanka Ururka Barwaaqo si loo dardargeliyo Arrimaha Doorashooyinka, ururrada iyo Axsaabta Siyaadda.

    Guddoomiye Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu u Magacaabay Afhayeenka Urur-siyaasadeedka Barwaaqo inuu noqdo Dr. Khadar Barre Cilmi.

    War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Barwaaqo oo ku taariikheysan 24-kii Bishan May, ayaa u qornaa sidan:-

    “Ujeeddo: Magacaabidda Guddiga Xidhiidhka Ururrada Siyaasadda iyo Hay’adaha Qaranka iyo Doorashooyinka.

    Markhaan Arkay:        Baahida loo qabo in la helo xidhiidh joogto ah oo lala yeesho hay’adaha u qaabilsan Qaranka Doorashooyinka.

    Markaan Arkay;          In loo baahan yahay Xidhiidh ballaadhan in lala yeesho urur siyaasadeedyada iyo Axsaabtii hore.

    Markaan Kala Tashaday:    Guddiga Fulinta ayna saxeexeen.

    Waxaan Guddigan u Magacaabay

    1. Aadan Xasan Mataan – Guddoomiye
    2. Maxamed Xuseen Caydiid – Guddoomiye ku-xigeen
    3. Cabdikariim Yuusuf Muuse – Xubin