Wararkii u Dambeeyey Dagaallo Ciidanka Qaranka iyo Huwanta Laascaanood ku Dhexmaray Gobolka Sool

    0

    Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka warbixiyey dagaallo maanta gobolka Sool ku dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo malleeshiyaadka Huwanta ee Laascaanood.

    Taliye Nuux Ismaaciil Taani oo warbaahinta kula hadlay Taliska Ciidanka ee Hargeysa, waxa uu sheegay inay malleeshiyaadka Huwanta ah ee Laascaanood saddex aag oo kala duwan weerarro kaga qaadeen ciidanka Qaranka oo uu sheegay inay khasaare ba’an gaadhsiiyeen malleeshiyaadka.

    Taliyuhu wuxuu sheegay inay maleeshiyaadka saaka isku dayeen inay qabsadaan Tuulo-Samakaab oo 42km dhinaca Woqooyi-Galbeed kaga beegan Laascaanood si ay qabsadaan Jidka Laamiga ah oo marin u ah Sahayda Ciidanka Qaranka ee fadhiisimadoodu ku yaallaan Bariga Laascaanood.

    Waxa kale oo Taliyuhu sheegay inay Maleeshiyaadku weerarro ku qaadeen fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee deegaanka Dhaban-saar oo masaafo 30 KM dhinaca Koonfur kaga beegaan Tuulo-samakaab, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal ba’an oo khasaare lagu gaadhsiiyey maleeshiyaadka oo markii dambe firdhadkooda la gaadhsiiyey deegaanka Balli-hadhac oo dhinaca Bari kaga beegan magaalada Widhwidh ee gobolka Buuhoodle.

    Taliyuhu wuxuu sheegay inay sidoo kale maleeshiyaadku weerar ku qaadeen fadhiisimo Ciidanka Qaranku ku leeyahay Bariga iyo Galbeedka Laascaanood, waxaanu ujeeddada weerarrada ay maanta qaadeen ku tilmaamay mid ay ku carqaladaynayaan xuska sannad-guurada 32aad ee maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

    Taliyuhu wuxuu sheegay inay Ciidamada Qaranku khasaare ba’an u geysteen maleeshiyaadka saddexda weerar ee ay maanta ku qaadeen Fadhiisimada Militariga Somaliland.

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net