Buugga HALGAN iyo HIMILO Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay iyo Mucda Taariikhda uu Xambaarsan yahay

    0

    Magaalada Hargeysa waxa Caawa lagu Soo Bandhigay Buugga HALGAN IYO HIMILO oo uu Qoray Aqoonyahan Axmed Kilaas Jaamac.

    Buugga ‘Halgan iyo Himilo’ Oo xambaarsan Taariikh-nololeedkii, Shaqsiyaddii iyo Doorkii uu Dhismaha Nabadda iyo Dowladnimada Somaliland Ka Soo Qaatay Allah ha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal Oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland ka hor intii aanu Marxuumku Sannadkii 2016-kii ku geeriyoon magaalada Hargeysa.

    Munaasibadda Bandhigga Buugga ‘Halgan iyo Himilo’ Oo Caawa ku qabsoontay Hotel Maansoor, waxa ka Qayb-galay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Culimo-Aw-Din, Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween.

    Masuuliyiin iyo Shaqsiyaad ka Hadlay Munaasibadda oo qaarkood ay Soo wada-shaqeeyeen Marxuumka Buugga Laga Qoray, ayaa ka warramay Aqoontii u lahaayeen iyo Doorkii uu ka soo qaatay Halgankii Dalka Loo Soo Galay, Nabadeyntii Beelaha Somaliland iyo Dhismihii Dowladnimada.

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net