Siyaasi Cabdilaahi Cukuse oo Madal Ka weeraray Madaxweyne Biixi iyo Jawaabtii Wasiir Cabdilaahi Faarax

    0

    Siyaasi Cabdilaahi Cukuse oo saaka ka qayb-galay munaasibad meher ah, ayaa si qaawan u weeraray Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana hadalkiisa ka jawaabay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdilaahi Faarax Cabdi oo isaguna xafladda ka qayb-galay.

    Labada siyaasi ayaa ka soo kala jeedayey ardaayada Lammaanaha is-calmaday ee xafladda meherkooda loo fadhiyey.