“Xeerka furista Ururradu waa Dhaqan-gal, ururradii siyaasaddana waa la furan karaa”

    0

    Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Jaamac Axmed Oogle oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in xeerka furista ururrada siyaasaddu dhaqan-gal yahay isla markaana la furan karo ururrada siyaasadda.

    Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ayaa maanta u gudbiyey Xeerkan Sharci-yaqaannada Golaha Wakiillada si ay talo-bixin uga soo dhiibtaan.

    Xeerka Furista ururrada siyaasadda ee xeer Lr.14 oo madaxweyne Muuse Biixi dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada si wax-ka-beddel iyo kaabis loogu sameeyo.

    Muuqaalka Hoose ka daawo hadalka Xildhibaanka