Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Midowga Yurub

    0

    Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda
    Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta kulan
    xog-waraysi ah la yeeshay safiiro, dublomaasiyiin iyo saraakiil sare oo ka socday,
    dalalka midowga Yurub, kuwaasi oo uu hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub
    Amb Nicolas Berlanga.

    Kulanka ayaa lagu lafa-guray geedi-socodka doorashada isku lammaan ee dalka beri
    ka dhacaysa, diyaar garowga hay’adda garsoorka jamhuuriyadda Somaliland ku jirto
    iyo doorka ay ku leedahay soo af-jarida cabashooyinka iyo dacwadaha soo gaadha.

    Ugu horayn waftiga oo ka koobnaa 25 xubnood oo ka kala socday dalalka Denmark,
    Sweden, Germany, Britain iyo Ururka Midowga Yurub, ayaa hay’adda garsoorka
    dalka ku amaanay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan hawlaha qaranka, gaar ahaan
    arrinta doorashada ee hadda taagan. Waxaanay ka waraysteen diyaar garowga
    hay’adda garsoorku ugu jirto arrimaha taagan iyo sida ay u xalinayso haddii ay
    cabashooyin ama dacwado soo gaadhaan.

    Guddoomiyuhu waxa uu sharaxaad ka siiyay waftiga nidaamka la raacayo haddii ay
    cabashooyin yimaadaan iyo ahmiyada uu leeyahay xeerka doorashadu, waxaanu
    hoosta ka xariiqay in dhawaan tababar iyo aqoon is waydaarsi loo qabtay
    guddoomiyayaal, garsoorayaal, Xeeri-ilaaliyaal iyo hawl-wadeeno kale oo ka kala
    yimid dhammaan gobolada dalka si looga taxadaro culays kasta oo ay keeni karto
    doorashadu.

    Ugu danbayna waxa uu la wadaagay waftiga in diyaar garow fiican hay’adda
    garsoorku ka samaysay arrimaha taagan, kalsooni badana ay ku qabaan dhinacyada ku
    loolamaya doorashadu, isagoo xusay in shirar xogwaraysi, oo is-daba-joog ah ay ugu
    yimaadeen daneeyayaasha doorashooyinka ee ay ka mid yihiin guddida
    doorashooyinka, guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadke ee KDQ, Ururada
    Saxaafada, Ururada bulshada iyo qaar ka mid ah Korjoogayaasha caalamiga ah,
    kuwaasi oo dhammaantood lagu xoojinayo hufnaanta doorashada.