Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta soo saaray oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-658/052021 ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag u magacaabay Maxamed Khaliif Nuur Cali, sida ku xusan wareegtada uu maanta soo saaray oo u dhignayd sidan:-

    Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

    “Wareegto Madaxweyne: Magacaabid

    Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
    Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;
    Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
    Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
    Markaan Sameeyey: La-tashi;

    Waxaan Go’aamiyey;

    In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.”