Saddex Abwaan iyo Saddexdoodii Meeris

    0
    Hasan Sheikh Mumin (AHN)

    Haddii aad haraad bastaa tahay waxaa maskaxdada ku soo degdegayaa waa biyo oo ah kuwa nolosha aadamaha u ah halbowlaha ee aanu noole la’aantood noolaan karin, iska daa noole xitaa dhirtu aanay cagaari karin ama bixi karin inkastoo ay iyaba noole tahay. Waana halka ay u dhimatay oo aan odhan karo dadka inta ka heestay ama ka gabayday waa ay badan yihiin laakiin qaabka uu Xuseen Aw-Faarax uga heesay waa qaab ka duwan halka gabyaaga ama mu’alifiinta kale mareen, waa si aanay maskaxdda aadamuhu keeni karin ama si fudud u heli Karin.

    Xuseen Aw-Faarax Dubbad waxa uu ka mid yahay 10ka abwaan ee soomali yeelatay casrigan horseedna ka noqday fanka soomaalidda, haddiiba aanu ahayn ka ugu horreeya ruwaayaddo samaynta casrigga ah iyo xeeldheeridda unkidda erayadda layaabka leh. Bal aan soo qaato “Wabiyo isku ooman” oo ah hees jacayl ah oo ay ku luuqayso Xaliima Khaliif “Magool” taasi oo ka mid ahayd heesihii keli kelida ahaa ee Xuseen unkay mid ka mida haddiiba aanay ahayn ta la odhan karo waa ay ugu qiimo badan tahay Heesta oo aad layaab u leh oo aad is odhanyasa abwaanku halkuu ka doonay erayadda odhanaya sidan?

    Heesta oo dheer haddii aan tuducyo ka soo dheegto waxay odhanaysaa:

    Jacayl waa wadkaagoo
    Warmo kuu afaystoo
    Sun uu kuu walaaquu
    Weel kuugu shubayaa
    Dadka wali hor jooggaa
    Wuxuu dilay u sababoo
    Qiyaamaha la waydiin

    Wabiyo isu oomani
    Inay wacatameenoo
    Waayo badan is dooneen
    In loo kala waramamayoo
    Wacdi laysu sheegiyo
    Waano lagala quustay
    Goortay is waayeen
    Isu waalan gaadheen
    Waligiin ma maqasheen?

    Wax ku qaadan maysaan
    Wacdaraha Adduunkee
    Waydiiya Culimadda

    Inay weer xidheenoo
    Biyihii wayraxeenoo
    Waddamo isu jiidheen
    In la waabin waayoo
    Iyagoo wareer qaba
    Isu soo wareegeen
    Oo wanaag kalgacaloo
    Wehel isu yimaadeen
    Waligiin ma maqasheen?

    Wax ku qaadan maysaan
    Wacdaraha Adduunka
    Waydiiya Culumaddaa

    Inuu caashaq wadayoo
    Is waraabiyeenoo
    Xarreeddii wadaageen
    Inay wehel is jeceloo
    Wadnaha isu dhiibtayoo
    Wada jira noqdeenoo
    Waddo qudha mareenoo
    Kala weecan waayeen
    Waligiin ma maqasheen?

    Wax ku qaadan maysaan
    Wacdaraha adduunkee
    Waydiyaa culimada

    Heestaa aan kor ku soo xusay ee Wabiyo Isku Ooman oo erayadeeda unkay Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad ayaa ka mid ah kuwa ugu mudan heesaha casriga ah ee caashaqa taabanaya. Qofna isma lahayn waxaad maqli hees ay labo biyo xanbaarsani isku oomeen. Waad garan kartaa oon ama surmi ama haraad waa biyo la’aan iyo baahi laga cawdu-bilaysto oo aad u daran, nolosha soomaaliddana waad maqashay halka abaar iyo biyo la’aan ay kala joogaan iyo inta ay noloshoodda ku soo noqnoqotay. Cid ka saartana wali ma ay helin oo Eebe uma soo dirin, taas oo sababtay in intaas oo jeer ay xaaqeen abaaro sida: Harga-cuna, Hawaara, Xaaraame-cuna, Jiitama, Daba-dheer iyo kuwo la mid ah.

    Haddaba haddii abaar iyo biyo isla doono uu maskaxdaadda uu ku soo dhacayo abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad dhanka kale oo aanad waligaa ka fikirin kana fikirteen inta adduunku dhisan yahay ayuu u kacay oo waa goorma? Waa mar uu socdaal ku tagay dalka Suudaan dabadeedna uu booqday halka ay iskaga darsamaan labada Webi ee Nile-ka Cad iyo Nile-ka Buluugga ah. Halkaas marka uu taagan yahay weeye marka ay ku soo dhacayso eraydan layaabka leh ee Webiyo isku Ooman. Waa laba webi ee xaggee haraab u soo maray haddiiba ay yihiin kuwo biyo ka fatahayaan? Waa yaabka Xuseen iyo unkida erayo Webiyo isku Ooman oo isku soo jiidhay waddamo iskuna soo wareegaya, aakhirkana ku kulmay abartaa ay isku darsameen. Haddaba haddii aad uun taqaanay harraad iyo biyo markan waa biyihii lagu oon baxay oo isku Oomay ee bal ma haysaa Xuseen Aw-faarax Dubbad hortii cid isku toshay haraad iyo kuwii xanbaarsanaa biyahii lagu jeel bixi lahaa oo laftooddii isku oomay? Jawaabtu waa maya. Heestaasina waa heestaa uu kugu baray Webiyo isku Ooman, codkii Xaliima Khaliif Magool iyo laxankii mulaxamiiste Al ustaad Macallin Xasan Guure Afrax “Greed”. Halkaana waa mid ka mida maqaalkan saddex abwaan iyo sadexdooddii tuduc Xuseena waxaan loox ugu Daabacay ama ugu duugay Webiyo isku ooman

    Cismaan Aadan Xuseen oo ka mida ah hormuudkii Waaberi iyo kooxdii militariga ee isku darkooddii laga unkay kooxdan caan baxday ee Waabari oo mudo dheer ka mid ahaa madaxdoodda iyo abwaaniintoodda lahaana magac bixinta Waberi kana mid ahaa Foolaadkoodda safka hore, kaasi oo lahaa suugaan gooni ah oo aan halkan lagu soo koobi karin iyo ruwaayaddo aan ka xusi karo Maanta iyo Fadhi aa? Wadhaf iyo Shinbiro War iskuma Hayaan oo ahayd laba qaybood, Wed iyo Wacad oo uu abwaanku ka unkay Jacaylkii banaa Faadumo iyo Xaydar oo reer Saylac ahaa laba ruux oo aan Alle iskugu darin calaf iyo inay nolol wadaagaan kuwaasi oo kala geeriyooday ka hor intii aanay nolol wadaagin. haddaba abwaan Cismaan. Waxaan halkan ku soo qaadan doonaa heestiisa Qofka ka ugu il Dheer Baa, Dadka ugu Ayaan Daran. Bal u fiirso, waxaanay odhanaysaa sidan:

    Horta yaa Awoodda leh? Ilaahay
    Yaa Abuurideena leh? Ilaahay
    Ajasheena yaa jara? Ilaahay
    Haddii aan Islaam nahay
    Asluubtiyo xishoodkiyo
    Ehelkii is jeclaa iyo
    Alle ka cabsigii mee?
    Sida aan eegga nahay
    Haddaan la ina arjumin
    Ayaan baynu leenahay
    Istaakhfurula dhaha yeey

    Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey
    Ninka ugu il dheer baa
    dadka ugu daran ayaan daran
    Waxaan lala arkayn baa
    isaguun u muuqdee
    Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

    Yaa adduunyo bixin kara? Ilaahay
    Yaa arwaax wax siin kara? Ilaahay
    Qofna Eber ka dhigi kara? Ilaahay

    Sidii oon Arsaaqadda
    inagu qaybinaynaan
    Aflagaado iyo eed
    Aakhiro ku seegnee

    Abwaan Cismaan heestaa Qofka ugu Il-dheerbaa dadka ugu Ayaan daran waxa ka muuqda Saluug badan oo uu ka qabay bulshadda waliba xilliggaa waa 1980kii e’ oo dadku waa ladnaa noloshuna ma ay ahayn sida ay maanta tahay iyo si u dhow toona bacdamaa Abwaanniintu ka Il horreeyaan kana aragti dheer yihiin dadka caaddiga ah waxa uu arkayaa ugu yaraan 50 sanno ama 100 sanno oo soo socda sida wax noqon doonaan taana waxaa ka Marag kacaya Tuducdaydda heesta ka mida oo odhanaya sidan:

    Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey
    Ninka ugu il dheer baa
    dadka ugu daran ayaan daran
    Waxaan lala arkayn baa
    isaguun u muuqdee
    Ahey Ahey Maskaxddaa laga Abaaroobey

    Siddii Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubbad ayuu isna markan Cismaan Aadan Xuseen ina barayaa cashar laba shay oo isku Cakis oo isku ild ah waa maxay tolwo? Waa Maskaxdaa laga Abaaroobay waligaa miyaad maqashay Maskax laga Abaaroobay dhul Abaaroobay mooyee. Waxaad maqli jirtay Meel hebala bus ayaa ka kacaya oo waa abaar halkii uu Gabyaa Ismaaciil Mire ka lahaa Abaar gaag ma reebaa dhacdiyo Gaatamoo kale. Haddaba bal ka waran haddii Maskaxdaaddii aad ku fikiraysay ee ku tusi lahayd meel iftiinka nolosha iyo ta danbe ee waa Aakhiro e ay Abaar ma dhalays ah noqoto. Waa mid laga subxaanalysto oo aan sahlanayn.

    Xasan Sheekh Mu’umin waxa uu isna ka mid ahaa 10-ka abwaan ee casrigan danbe safka hore kaga jiray fanka soomaalidda. Waxa uu alifay ruwaayaddo ay ka mid ahaayeen: Shabeel-naagood iyo Gaaraa-bidhaan oo waliba si wayn looga daba dhacay aadna u caan baxay, iyo Maskax bay duniddu u magan tahay taasi oo iyana ka mid ahayd ruwaayaddihii caan baxay ee Abwaan Xasan Sheekh Muumin ku jelbeebiyay dadka Soomaaliyeed haddaba waxaan halkan ku soo qaadan doonaa ruwaayaddii Shabeel naagood dabayaaqaddii 1960kii Qarniggii tagay iyadoo Il gaara aan ku eegi doono ruwayaddii Shabeel naagood oo iyana ka mid ahayd kuwo ay ka soo dhex muuqdeen heeso yaable sida Dab Dhaxamooday oo la wadaagaysa Aragti dheer sida labada Abwaan ee hore aan ku soo falanqeeyay waa Xuseen Aw-Faarax Dubbad iyo Cismaan Aaadan Xuseen taasi ay noqotay sheekooyinkii laga unkay iyo heesihiiba iyadoo ay rag culusina ku ladheen laxanka oo aynu ka soo qaadan karno Bashiir Xaddi. Xasan waa uu ku dagaalamayaa in la yidhaa sadexdda Abwaan ee ugu sii horeeya ayuu ka mid noqonayaa oo ma uu ahayn nin kaftamaya marka ay curin noqoto.

    Waxaanan halkan ku soo qaadan doonaa hees uu curiyay oo ka mid ahayd riwaayaddii Shabeel-naagood ee dalkii soomaaliya la isku odhan jiray laga dhigay hillaaddii 1968kii, waxaana ku jiray heeso badan oo caan baxay laakiin waxaan ka soo qaadan doonnaa heestii Dab Dhax Mooday ee ay ku luuqeeyeen Hibbo Maxamed iyo Cabdi Muxumed Amiin taasi oo uu abwaanku si layaable u falkay. Fariinta ay heestu gudbinaysaa waxay la hadlaysay xukuumaddii xilligaa dalka ka talinaysay oo dadwaynuhu aad u saluugsanaayeen, waliba heestani Boogtaa ayay si wayn u taabanaysay una damqaysay bal inay wax tar u noqotana la’ arkee ayuu malaha is yidhi abwaanku. Hase ahaatee waa tii wax aan sannad ka badnayd dabdeed uu yimi In inqililaabkii uu hor kacayay Maxamed Siyaad Barre. Heestuna waxay odhanaysaa sidan:

    Doc kastoo la’eegoo
    Nolasha dunidu waa dabkee
    Hadduu dabkii dhaxmoodo
    Maxaa lagu diiriyaa?

    Waa tilmaan la daahoo
    Deg-deg kumaa haboone
    Adoo degen u fiirsoo
    Ujeedadaa i deeqsii

    Ruux haddii la doortoo
    Darajadii la saariyo
    Xilkii daryeeli waayaa
    Dabdhexmooday weeye
    Waa su’aaal da’waynoo
    Madaxa daanilaysee
    Wixii lagu diiranayo
    Dadwaynahaa la waydiin.

    Durdurkaa laga cabaa
    Diikh lagu dabaasha
    Hadduu haraad dareemo
    Darkee laga waraabsahaa?
    Waa tilmaan la daahoo
    Deg-deg kuma haboone
    Adoo degen u fiirsoo
    Ujeedadaa i deeqsii

    Ruux adduunyo haystee
    Dahabkana barkanayee
    Wixiisii deeqi waayeen
    Durdur oomay weeye
    Waa su’aaal da’waynoo
    Madaxa daanilaysee
    Darkii laga waraabin
    Dadwaynahaa la waydiin.

    Qofkii cudur dilaayoo
    Dawadaa bogsiisee
    Haday dawo bukooto
    Maxaa lagu dabiibaa?
    Waa tilmaan la daaho
    Deg-deg kumaa haboonee
    Adoo degen u fiirsoo
    Ujeedadaa i deeqsii

    Dalalnimaada diintiyo
    Dastuurka iyo xeerka
    Haddii dabo la saaro
    Dawo bukootay weeye
    Waa su’aaal da’waynoo
    Madaxa daanilaysee
    Wixii lagu dabiibi
    Dadwaynahaa la waydiin.

    Subaga dufankiisa
    Dadku ka dhaashadaane
    Haddii dufan basaaso
    Maxaa duxdii ka qaaday?
    Waa tilmaan la daaho
    Deg-deg kuma haboone
    Adoo degen u fiirsoo
    Ujeedadaa i deeqsii
    Dhaqanku dugsi weeyaan
    Dalkiisu ku dhaatee
    Haddii dadkiisi aaso
    Dufan basaasay weeyaan
    Waa su’aaal da’waynoo
    Madaxa daanilaysee
    Halkii dux looga dooni
    Dadwaynahaa la waydiin.

    Aan ku soo dabaalo in saddexddaa Abwaan iyo saddexdooddaa meeris na bareen Suugaan yaab leh oo ka duwan tii aynu maqli jiray una falkiyeen qaab yaab leh oo ah shay lagu dawayn jiray shay oo shaygii lagu daawada ahaa wax si ka noqdeen iyo halka xalkiisa laga doonayo kolkaa waa halkii Boobe Yuusuf Ducaale ee bal adba!

     

    Qore: Cabdi Muxumed.

    cabdimuhumed60@gmail.com