Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Xilliga la bilaabayo Bixinta Kaadhadhka Codbixinta

    1

     

    Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta shaaciyey wakhtiga la bilaabayo qaybinta Kaadhka codbixinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31-ka May 2021-ka.

    Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdirashiid Riyo-raac Oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa maanta, ayaa Sheegay in qaybin Kaadhadhka Codibixintu 11-ka Bishan March ka bilaabmi doonto gobollada Saaxil, Sool iyo Sanaag.

    Guddoomiye Riyo-raac waxa uu sheegay inay ku xigi doonaan gobollada Togdheer, Maroodijeex iyo Awdal oo wakhtiga la bilaabayo aan la muddeynin, balse la bilaabi doono marka la soo gebo-gabeeyo saddexda gobol ee Bariga dalka.

    Md Cabdirashiid Riyo-raac waxa uu dar-daaran u jeediyey Hawl-wadeennada Guddiga Doorashooyinku u xil-saareen Qaybinta Kaadhadhka Codbixinta, kuwaas oo uu u soo jeediyey inay xil-kasnimo iyo daacad u gutaan masuuliyadda loo xil-saaray.

    Haddaba, waxa aanu muuqaalka Hoose idinku soo gudbinaynaa Hadalka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net

     

    Faallooyinka waa la xiray.