Golaha Guurtida Somaliland oo kulan deg-deg ah laysu yeedhay

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan deg deg ah ugu baaqay Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo fasax ku maqan.

    Golaha Guurtida Somaliland [PHOTOFILE]
    Xoghayaha Guud ee Golaha Guutida Cabdinaasir Beegsi, ayaa warbaahinta u sheegay in Shirguddoonka Guurtidu ku wargelinayaan Mudaneyaasha Guurtida fadhi aan caadi ahayn maalinta isniinta ee 1-02.2021-ka.

    Fadhigan ayaa la filayaa in lagaga hadlo arrimaha doorashada iyo in ay go’aan ka soo saaraan iswaafajinta muddo kordhintii ay hore u sameeyeen iyo muddada Komishanku cayimay.