Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo Muqdisho ka degay iyo Taliska CDQ oo ka hadlay

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- Taliska ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah uga jawaabay warar lagu faafiyey saxaafadda qaarkood oo sheegay in Taliye ku xigeenkii ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle uu ka degay, xilliganna ku sugan yahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

    Cabdixamiid Faarax Iidle

    War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Dab-demiska, ayaa lagu xaqiijiyey jiritaanka warkaas, waxase warkan lagu dedafeeyey inuu sarkaalkani ka degay Magaalada Muqdisho isagoo wali ka tirsan yahay Ciidanka Dab-demiska qaranka, waxaana lagu sheegay in taliska Ciidanku shaqada ka ruqseeyey sarkaalkan wakhti hore kaddib markii lagu helay qodobbo ay ku jiraan xil-gudasho la’aan iyo daacad-darro saamayn ku yeelatay shaqada ciidanka Dab-demiska.

    “Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland wuxuu halkan kaga jawaabayaa hadalo iyo qoraalo ay baahinayeen qaar ka mida warbaahinta Somaliland, kaas oo ku saabsanaa in Cabdixamiid Faarax Iidle, oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska Somaliland uu ka degay magaalada Muqdisho.

    Hadaba Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka caddaynayaa in Cabdixamiid Faarax Iidle si toosa looga ruqseeyay ciidanka muddo hore”, Sidaas waxa lagu bilaabay war-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay in Cabdixakiim Faarax wax xil ah ka hayay Ciidanka Dab-demiska.

    War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Dab-demiska oo dhammeystiran ayaa u qornaa sida hoos ka muuqata:-

     

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net