Guddiga Qandaraasyada oo Daah-furay Tartan loo galayo Dhismaha 26 Dugsi oo Xukuumaddu ka hirgelinayso dalka

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Mashaariic fulintooda ay u tartamayaan shirkado tiradoodu boqol ku dhow dahay, kuwaas oo xukuumaddu ka hirgelinayso dalka.

    Mashaariicda oo qandaraaskooda ay Guddigu hore u shaaciyeen, waxa soo xeraystay shirkado muwaadiniin ah, waxaanay kala yihiin 24 Dugsi iyo 2 Lap oo Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku ka fulinayso gobollada dalka.

    Munaasibad lagu daah-furay tartanka qaraasyada 26-ka Mashruuc oo maanta ku qabsoontay xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa oo ka Qayb-galay xubnaha Guddiga, Shirkadaha tartanka ka qayb-galaya iyo masuuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarashada.

    Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay oo faahfaahin ka bixiyey noocyada Qandaraasyada iyo tirada shirkadaha fulintooda u tartamaya, guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen.

    Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

     

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net