Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay kala wareegay Saddex diyaaradood oo loogu talo-galay la-dagaalanka Ayaxa.
Diyaaraha lagu wareejiyey Xukuumadda Somaliland oo ay weheliyaan shaqaalihii ka hawl-galayey ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee hawl-gallo Ayaxa lagula dagaalamayo, kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Beeraha iyo hay’adda FOA (Food & Agriculture Organization), waxaana madashii lagula kala wareegay goob-joog ka ahaa wasiir Axmed Muumin Seed iyo saraakiil ka socotay hay’adda FAO.
Saddexda diyaaradood ayaa loogu talo-galay inay qaadaan Sunta lagula dagaalamayo Ayaxa, iyaga ka hawl-gali doona gobollada uu sida xooggan u saameeyey Ayaxa oo faro-baas ku haya Beerleyda iyo dhul-daaqsimeedka gobollada Somaliland.
Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay saraakiil ka socotay hay’adda FAO oo faahfaahin ka bixiyey Qaabka loo hawl-galinayo diyaaraha, muddada hawl-galku soconayo iyo deegaamada laga fulinayo.
Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

