Gummaadkii Kalshiikh – Taxanaha Soomaali waa walaalo – Qaybta 4aad

    0

     

    Si xawli ah ayay ciidankii dawladdu u soo dhex galeen tuulada Kalshiikh, iyaga oo raggii joogay ku guray iskarogooyin, si degdeg ahna ugu dhaqaaqay meel ka baxsan tuuladaas.

    Meel ku dhow tuuladaas ayay miino kula kacday gaadhi Beebee ah (APC), iyada oo ay ku dhinteen siddeed askari oo gaadhigaas saarnaa, sababtan awgeed ayaa raggaas loo ururiyay si loogu aargudo siddeeddaas askari ee miinadu la kacday.

    Sida ku qoran warbixinta HRW, miinooyinka ay adeegsan jireen ciidankii Afweyne waxa laga keeni jiray dalka Masar, iyada oo aan la hubin in isla dalkaas lagu farsamayn jiray iyo in kale (Bogga, 94aad).

    Inta ugu badan miinooyinkaas waxa dhulka ku aasi jiray ciidanka dawladda. Waxay ku aasi jireen waddooyinka magaalooyinka laga soo galo oo dhan, waddooyinka taga xeryahooga, waddooyinka taga goobaha biyaha laga cabbo iwm, si ay u hakiyaan dhaqdhaqaaqyada jabhaddii SNM. (isla bogga 94aad).

    Halista miinadaas waxa u sinnaa kuwii aaasay, kuwii loo aasay iyo dadka rayidka ahba. Marar badan, miinadu waxay la kici jirtay isla ciidaankii aasay badh ka mid ah, sababtaas awgeed ayaan loo caddayn karayn cidda runta ah ee dhulka ku aastay miinadaas la kacday Beebeega.

    Dabcan, ninka laga awoodda badan yahay ayaa mar walba khaldan e, waxa dambiga miinadaas korka laga saaray shacabkii degganaa agagaarka halka ay ku aasnayd.

    Warbixin ay Jeenawari 1989-kii diyaarisay Hay’adda Communitay Aid Abroad ee fadhigeedu yahay Australia, waxay sheegtay in maalin qudha ay 200 oo qof ciidankii Afweyne ku xasuuqeen degmada Ceel Afweyn, ka dib kolkii ay agagaarka degmadaas miino kula kacday laba askari.

    Hay’addaas oo hadda magaceega u beddashay Oxfam Australia, warbixinteed waxay ku sheegtay in wixii halkaas ka dhacay loogu yeedhi karayay hal eray oo qudha: “Xasuuq”.

    Dhiigga dadka waxa loo qubayay sida ugu macnaha daran, nafuhuna waxay gaadheen heer loo qudhgooyo sababta ugu liidata.

    Aan ku noqdo Kalshiikh e, kolka ay marayso meel u dhaxaysa Kalshiikh iyo Ceel-Afweyn ayaa iskarogadii dhinacyada lagala maray qoriyo waaweyn oo gawaadhi saarnaa, waxaana la rogay jambigii dambe ee iskarogada oo dabcan ay dadkii saarnaayeen.

    Si ka arradan tudhaale iyo naxariisba ayaa dadkii iskarogadaas saarnaa rasaas loogu furay. Maalintaas, waxa halkaas ku qudh-baxay 44 dulmane oo aan wax sharci ah la hor geyn, hadduu doono haba marooro sharcigaasi e, iyada oo loo laayay si loogu aargudo siddeeda nin ee ay la kacday miinada aan la hubin cidda runta ah ee dhulka ku aastay.

    Magacyadoodii waa kuwan hoos ku taxan (14 qof ayaa ka maqan). Waxa la xasuuqay bishii Ogos, sannadkii 1988-kii:

    1. Cabdillaahi Cabdi Jibriil
    2. Saalax Dhunkaal Xirsi
    3. Saleebaan Dhunkaal Xirsi (Ka sare walaalkii)
    4. Maxamed Garase Xaamud
    5. Cawed Axmed Xasan
    6. Aadan Jaamac Cabdi
    7. Yuusuf Axmed Xasan
    8. Xasan Diiriye
    9. Maxamed Xasan Diiriye
    10. Cali Faarax Cabdi
    11. Cali Ibraahim Diiriye
    12. Cabdirisaaq Maxamed Saalax
    13. Maxamuud Cawil Axmed
    14. Muuse Xayir Digaale
    15. Ina Xasan Sheekh Jaamac
    16. Ibraahin Xasan Yuusuf
    17. Maxamed Shire Mire
    18. Siciid Maxamed Cabdulle
    19. Shire Cali Hurre
    20. Muuse Abokor Xasan
    21. Khalif Dubbe
    22. Siciid Khaliif Dubbe
    23. Maxamed Ibraahin Dubbe
    24. Xasan Ibraahin Dubbe
    25. Baashe Xasan Xuseen
    26. Ina Cali Aw Barre
    27. Saalax Maxamed Axmed
    28. Faysal Bulaale Gabaydhe
    29. Ina Mire Rooble
    30. Cali Cabdi

    Tixraac;

    Human Rights Watch, a government at war with its own people, Bogga 94aad iyo lifaaqa koowaad.

    Community Aid Abroad, Agency statement on Somalia, January 1989.

    Qore: Maxamed Sharma’arke

    Sharmaake91@gmail.com