“Waxaanu ka shakisannahay in Qof Hargeysa ku dhintay uu u Covid-19 u geeriyooday” – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa sheegtay inuu jiro hal qof oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday, kaas oo ay uga shakisan yihiin inuu haleelay Cudurka Covid-19, balse aanay xaqiijin karin.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Xergeeye oo maanta warbaahinta uga xog-warramayey warbixinta maalinlaha ah ee heerka uu dalka ka marayo Caabuqa Coronavirus, waxa uu sheegay inuu jiro hal qof oo ay wasaarad ahaan uga shakisan yihiin inuu u geeriyooday xannuunka Covid-19.

    Warkan oo faahfaahsan kaga daawo Muuqaalka Hoose

    https://www.youtube.com/watch?v=Ktd0gjFRqJE

     

    Guud ahaan Somaliland, tirada dadka laga helay caabuqa Coronavirus ayaa maraysa 8 qof, iyadoo hal qof u geeriyooday xannuunka Covid-19 halka tirada dadka xannuunka ka bogsadayna yihiin saddex qof.

     

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net