ARJI EEBBE LOO QORAY (MAANSO)

    0

    “Allaha Qaadirka ahee
    Dhulka qaro u yeelee
    Badda qayb ka yeelee
    Buuraha qotomiyee
    Qodin li’I cirkana dhigay
    Xidigaha ku qoraniyo
    Dayax kala dhex qaadiyo
    Qorraxdiyo cadceediyo
    Qaabeeyay dunidee
    Quruumaha abuuree
    Qawlalada u jeexee
    Quudiya dhammaanaw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Allaha Qaadirka ahee
    Quwad iyo awoodiyo
    Qasnad aan dhammaaniyo
    Qaninimo u sugantaw
    Qani iyo rasaaqaw
    Qawi iyo jabbaaraw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Allaha Qaadirka ahee
    Qofka uu abuuriyo
    Qudhaanjada kol ay tahay
    Risiqooda qorayee
    Malaaiig u qaybshee
    Qalbi daalacanayee
    Qanigiyo faqiirkiyo
    Qaladkiyo dunuubtiyo
    Qumanaanta camalkiyo
    Muuminka iyo qayrkii
    Qasdigooda maantiyo
    Qaybkaba  arkaayaw
    Qafaar iyo ladiifaw
    Qudduus iyo wahaabaw
    Qaabidu Raxmaanaw
    Qayuum iyo jaliilaw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Allaha Qaadirka ahee
    Quraysh gaaladeedii
    Dhagartay qorsheeyeen
    Qabarkooda joogee
    Qaawiyay sirtoodii
    Qumanaha u digayaw
    Colkii ay u qaybsheen
    Iyagoo qudh iyo maan
    Qolqolkiisa wada tuban
    Qaflad  baas ku ridayee
    Nabigii ka qariyee (SCW)
    Intuu ciid ku wada qubay
    Qaaru Tawra saaraw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Allaha Qaadirka ahee
    Qabweyni iyo qoortaag
    Markuu qiimo sheegtay
    Qaninimo ku faanay
    Iyo maal qabeenimo
    Kibir qooqu lumiyay
    Qardoofo iyo eedayn
    Gaalnimada qaayibay
    Allihii qatalayee
    Nabigii quweeyee (CS)
    Ducadiisii qaatee
    Arlada u qalqaashee
    Qaaruun ku dumiyee
    Dhulka qayb la gooyee
    Qallad baas ku ridayaw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Qoomkii fircooniyo
    Qareenkiisi haamaan
    Markay qaadan waayeen
    Xaqqii loogu qayliyay
    Ushii Muuse qaatay (CS)
    Qiyaamaday lahaayeen
    Mucjisada Alle u qoray
    Kaga qaalib yeeloow
    Markay qaadan waayeen
    Duufaanno qaadiyo
    Ayax qariya ciddiyo
    Raho qaylinaayiyo
    Qaar xula jidhkoodo
    Ka qaniina oogada
    Cunnadoo qayirantaba
    Imtaxaanno loo qoray
    Markay qaadan waayeen
    Qoom ay ahaayeen
    Allihii qarqoonshee
    Badda kaga qudh gooyow
    Muusana quweeyee (CS)
    Qalcad subax ka bixiyaw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Allaha Qaadirka ahee
    Dhulka oo qalalay bari
    Qoryoobeen dhir iyo geed
    Qarjaf xoola waayeen
    Ishuna aanay qabanayn
    Abaar qabatay noolaha
    Biyuu qaaliyoobeen
    Qirinqiir dadkuna galay
    Allaha Qaadirka ahee
    Soo qabooja beeshee
    Xareed lagu qasaashee
    Raxmadiisu qoysoow
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoonaha,

    Allaha Qaadirka ahee
    Aan qirayo tiisaw
    Qadarkaaga weeyee
    Qaaradaha adduunyadu
    Cudurkay ka qaylyeen
    Qalaqiyo cabsida baday
    Qaramada la kala xidhay
    Qaar loogu daw galay
    Lagu daray qabuuraha
    Qaar kale u liitaan
    Duri ooman naga qabo
    Qurbaha iyo gudahaba
    Dadkayaga ha qaadsiin
    Allahayaw qunuudiyo
    Dikrigiyo Qur’aankiyo
    Qiyaamkiyo salaadiyo
    Arjigaan Allaw qoray
    Qabuul nooga yeel duco
    Naga qabo Karoona
    Rabbaw Qaranka noo dhawr
    Tawxiidka lagu qoray
    Naga qabo Karoona
    Qaramada Islaamkiyo
    Qaaradda Afrikaadiyo
    Adaa qaban karaayee
    Allaha Qaadirka ahaw
    Ka dulqaad adduunkana.”

    Allaha Qaadirka ahee
    Danbiyada qorayee
    Malaaiig u qaybshaw
    Khaladaadka aadmiga
    Dulmiga iyo qoomaha
    Waxa qoomam kala galay
    Qofafkiyo nafaha kale
    Qabarada ogsoonoow
    Qafuur iyo raxiimaw
    Allaha Qaadirka ahee
    Qofkuu oofsanaayiyo
    Kala qayriyay mawdkaw
    Allaha Qaadirka ahee
    Qiiyaamaha ridaayee
    Ballanteeda qaadaw
    Qaadiru Mujiibaw
    Arjaan kuu qoranayaa
    Qabuul nooga yeel duco
    Cudurkay ka qaylyeen
    Naga qabo Karoona
    Qarankayga kuma dhaco
    Bisinkaan qabsanayaa
    Qaadirbaan cuskanayaa
    Cid kale uma qayshado
    Quudi  maayo qayrkay
    Qaramada Midoobay
    Waxba yaanay noo qaban
    Qayla dhaanna uma diro
    Qaadirbaa igaga filan
    Arji Eebbe loo qoray
    Allahayaw ha nagu qadin
    Qabuul ducada noo yeel
    Qarankayga kuma dhaco,” INSHA ALLAH.

    INSHA ALLAH.

    Abwaan Xasan Axmed Yuusuf (Xasan Afgaab)
    Tell: 063 4081527 hassanafgaab@gmail.com
    Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland