Shirkadaha Telesom, Somtel iyo SATO oo Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda Somaliland ku hambalyeeyey Meel-marinta Wax-ka-beddelka Xeerka Isgaadhsiinta Somaliland

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- War-saxaafadeed ay si wada-jir ah u soo saareen Shirkadaha Telesom, Somtel iyo Ururka Midowga Isgaadhsiinta Somaliland ee SATO, ayaa golaha wakiillada Somaliland ku bogaadiyey Wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka isgaadhsiinta Somaliland Xeer Lr. 50/2011 oo Goluhu maanta ansixiyey.

    Xeerka oo ay Golaha Hor-keeneen Xildhibaanno ka mid ah Wakiillada, ayaa mudaneyaashu cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen wax-ka-beddelka lagu sameeyey, kaas oo meesha ka saaraya in cid gaar ah kooto loogu xidho Isgaadhsiinta Fiber Optic-ga ee dalka.

    Waxa kale oo ay shirkaduhu hambalyo iyo bogaadiin u direen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo ay ku tilmaameen inay dedaal ugu jiraan sarreynta sharciga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo isgaadhsiinta dalka.

    WAR-SAXAAFADEEDYADA AY SHIRKADUHU SOO SAAREEN AYAA U QORNAA SIDA KU HOOS KA MUUQATA

    Somalilandpost.net
    editor@somalilandpost.net