Dhaxalka Buugga Haaneed – Qaybta 3aad

    0

     

    Ma dhammaystiri karo maansooyinka i soo jiitay ee dhiganahan ku jiro sidoo kale waxaa ka mid ah; Maansada “Guur”. Maansadani waxay ka mid tahay maansooyinka ku jira filimka “Abaydin abaydin dhalay” waxana ay ka hadlaysaa wanaagii uu lahaa guurkii hore, cid kale lama hadlaysee dhallinyarada ayey si gaara ula hadlaysaa. Waxay u sheegaysaa in guurku lahaan jiray, milge, maamuus, masruuf, mariin iyo martabad sare.  Waxa kale oo ay intaas u raacinaysaa haddiiba aan la soo celin milgihuu lahaan jiray guurku in la dhaxli doonno hoog iyo halis. Waxay tidhi sidan:

     

    Guurkeennu milguu lahaa

    Macniyo qiimuu lahaa

    Miisaan weyn buu lahaa

    Haasaawiyo maydhax-diir

    Xaq-dhawr iyo marin gobeed

    Maamuus culus buu lahaa

     

    Guurkeennu maqaam sariyo

    Martabad dheer buu sudhnaa

    Marriin238 bay inantu leyd

    Mas’uul bixiyey lahayd

    Masruuf baa loo qarridhey

    Meexaamii239 Gacalka iyo

    Tol aan kala maarmi karin

    Ayaa meehaahi240 jiray

     

    Macooyiyo hooyo wacan

    Marwaa loo xeeban jiray

    Markay xaleeleen carruuri

    Hadduun buu muuno jabay

    Mudnaantii la diley

    Macaan laga dhigey qadhaadh

    Masaafiyo meher-xadkani

    Sharciga meel kagama yaal

     

    Dhallinyaroow magan Allee

    Haddaan talo loo miyirin

    Shareecada lagu mitidin

    Sooyaalkeenii la marin

    Marwaadkuu dhaqan lahaa

    Haddaad mijo xaabisaan

    Waxyaabaha muxarrimka ah

    Haddaad u miliilicdaan

    Hadhow midhahay dhashiyo

    Waxaad ka magaabataan

    Markhaataa laga ahaan.

     

    Maansooyinkii ugu horreeyey ee abwaanku tiriyey waxaa ka mid ahayd maanso waxbarasha ka hadlaysa maansadan waxa uu u tiriyey arday xilligaas uu tiriyey dhammaystay waxbarashoodii sannadkii 1985-kii. Qoddobada uu kaga hadlay maansada waxaa mid ahaa waajibaadka laga rabo ardayga, sida habdhaqan wanaagsan, dulqaad iyo darreen samo fal ku dhisan waxa uu yidhi;

    Arday waxaannu nahay

    Aqoontiyo cilmiga

    Lagu ababiyoo

    Asluub iyo dul-qaad

    Eebbe siiyayoo

    Ummaddooda dhammi

    U asxaan faloo

    Ku adkaystayoo

    Lagu wada ogyee

     

    Awrba awrka hore

    Inta uu socduu

    Kan danbana ogyoo

    Ku itaalayaa

    Nimanyahow aflaxay

    Aarankaa kiciyo

    Jiilka imanayaba

    Ma tusnaa awoo?

    Dhabbo aayo wacan

    Dhibta aadamiga

    Aafeysay iyo

    Iimaha saddexan

    Ee adduunka dhibay

    Eel baa ka daran

    Haddaynaan ogaan

    Waa aqoonxumee

    Aaniyo qabiil

    Ma ka aarsanaa?!

    Kama helinoo kaliya suugaan cusub iyo erayo cusub ee waxaan ka ogaaday, baadisoocda aynu lahayn, dhaqankeennuu siduu hodanka u ahaa iyo sida maanta loo cidleeyey , iyo siday dhalin badani uga dhooftay dhaqankoodii wacnaa!

    Ugu danbayn Suugaanta halkan u dhigani waa suugaan wax ku baraysa. Waxay noloshaada ka dhigayaan mid mid taaganta iyo tagtadaba wax ka garanaya, mid sita toosh uu wax badan oo ka qarsoonaa ku ogaanayo. Waa Suugaan muuqaalka aad ka arkayso maahee kuwo kale ku qarsoonyahay oo loo baahanyahay inaad adigu lafo gurto.

    Dhammaad

    Faadumo Buuni
    Hargeysa, Somaliland
    libaaxo.77@gmail.com