Magacyada Maxaabiis u dhashay Puntland oo Xukuumadda Somaliland Cafis ku sii daysay

    0

    Hargeysa (SLpost)- Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday magacyada 14 maxbuus oo ka tirsan Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo madaxweynuhu cafis u fidiyey, kuwaas oo dabayaaqada sannadkii hore lagu qabtay iska-horimaadyo Ciidamada Qaranka ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee Koonfurta gobolka Sool.

     

    Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa 18-kii bishan May mar uu khudbad ka jeedinayey xuska maalinta Qaranimada, waxa uu halkaas ka sheegay inuu cafis u fidiyey Maxaabiis dagaal oo laga qabtay Maamul-goboleedka Puntland.

     

    Faahfaahinta warkan ka daawo Muuqaalkan Hoose