Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, ayaa farriin digniin xambaarsan u diray Imaamyada iyo Mu’addinnada Masaajiddada dalka oo uu uga digay wax uu ku tilmaamay Jah-wareer ay ku rideen shacabka xilliga Eedaanka Suxuurta.

