Hargeysa: Sheekh ku baaqay in laga hortago Dhalinyaro Fidinaysa Diinta Kiristaanka

    0

    Hargeysa (SLpost)- Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (C/raxmaan Dheere) oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa, ayaa khudbaddii Jimcaha ee maanta ku soo qaatay dhalinyaro u dhalatay Somaliland uu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay bulshada dhexdeeda ugu faafin lahaayeen Diinta Kiristaanka.

    Sheekh Cabdiraxmaan Dheere

    Sheekh Cabdiraxmaan-Dheere si toos ah uma tilmaamin dhalinyaradan iyo meelaha ay ka hawl-galaan, haseyeeshee waxa uu ku baaqay in laga feejignaado isla markaana laga hortago Hawl-gallada Dhalinyarada uu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii gudaha dalka ugu fidin lahaayeen Diinta Kiristaanka.

     

    Faahfaahinta warkan iyo Hadalka Sheekh Cabdiraxmaan-Dheere kaga bogo muuqaalkan Hoose

     

    Somalilandpost.net

    somalilandpost@live.com