Shirkadda Telesom oo Waxbarasho Bilaash ah ku abaal-marisay 10 Arday oo wax ka barta Jaamacadaha iyo Dugsiyada sare

    0

    Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa waxbarasho lacag la’aan ah oo muddo kooban ku eg ku abaal-marisay  10 Arday oo wax ka barta Jaamacadaha dalka, kuwaas oo qayb ka ah Macaamiisha isticmaasha ee ku xidhan Adeegga ArdayKaab oo ka mid ah adeegyada casriga ah ee shirkaddu u fidiso Macaamiisheeda.

    TELESOM

    Tobanka Arday ee ku guulaystay Abaal-marinta barnaamijka ArdayKaab bixiyo, ayaa laga soo dhex-xushay macaamiisha shirkadda ee ku xidhan adeeggan, kuwaas oo kala Todoba Arday oo ku jira  Jaamacadaha dalka kuwaas oo nasiib u helay inay shirkaddu ka bixiso Lacagta Hal Semister, halka saddexda soo hadhayna yihiin ardayda Dugsiyada Sare ee dalka.

     

    FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

     

    Â