Dowladda Hoose ee Hargeysa oo Daah-furtay Nidaam Casri ah oo lagu Diiwaangelinayo Mulkiyadda Guryaha

    0

    Hargeysa (SLpost)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO), ayaa maanta daah-furay nidaam Casri ah oo qayb laxaad leh ka qaadanaya Diiwaanka iyio Mulkiyadda Dhismayaasha ku yaalla Caasimadda.

     

    Maayar Soltelco oo ay weheliyaan masuuliyiinta dowladda Hoose, waxa uu maanta daah-furay Qalab Cusub oo nidaamka Casri ah ee Computerrada ah ku shaqaynaya, kaas oo loogu talo-galay diiwaangelinta iyo Lasoco-shada gacan-ku-haynta maamul ee dhismayaasha magaalada Hargeysa.

     

    Mashruuca ay dowladda hoose maanta Daah-furtay ayaa qorshihiisu soo socday isla markaana diyaarintiisu socotay sagaalkii sanno ee u dambeeyey oo maamulka dowladda hoose bilaabay. 

     

    FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN

     

    https://www.youtube.com/watch?v=B7WpGmz6r78