SOMALILAND: Hablaha Suxufiyiinta ah oo tartan loo qabanyo

    0

    Hargeysa (SLpost)- Ururka Hablaha Suxufiyiinta ah ee Somaliland ee WIJA oo kaashanaya hay’adda mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan Boqortooyada Ingiriiska ee UKAID, ayaa tartan u qabanaya hablaha suxufiyiinta ee ka hawl-gala warbaahinta kala duwan ee Somaliland.

    Hablaha tartanka loo qabanayo ayaa looga baahan yahay inay kaga qayb-qaataan barnaamijyo ay ka diyaarinayaan saddex mawduuc oo ka kala hadlaya Doorka Haweenka ee ka qayb-galka talada dalka, Gudniinka Fircooniga ah iyo Tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo Carruurta.

    Macduucyadan ayaa looga qayb-qaadanayaa dhinacyada Muuqaalka ee Tv-yada, Codadka ee Idaacadaha iyo Qoraallada oo ah Wargeysyada iyo Website-yada.

    FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

    https://www.youtube.com/watch?v=K1jy-0ARjLg