Taariikh Nololeedkii: Godka Lagu Jannee Hoygiisii buu Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) Tagee Duco Ku Sii Hooya

    0

    marxuum sanyareAlaylehe hogaanshuu ahaa loo han wayn yahaye .

    Allaylehe hormood buu ahaa hirasho toolmoone

    Allaylehe horseed buu ahaa hawsha aan gabine

    Allaylehe higaadshuu ahaa hindisay taariikhe…

    Allaylehe halbeeg buu ahaa habay dhalaankiiye

    Hogol noo da’adaabuu ahaa oo haraad tiraye

    Hadhac iyo qabaw buu ahaa lagu hagaagaaye

    Allaylehe hirdoog luu ahaa oon la helahayne

    Hal abuurka fikirkuu ahaa iyo horumarkeeniiye

    Allaylehe nin hoo luu ahaa oo bixiya hayntiiye

    Himilada dareenkuu ahaa hadaf tilmaan wayne

    Halqabsiga  samaantuu ahaa haybad law Caliye

    Hilinkeeda guushuu ahaa haybad law Caliye

    Hal muceedo badan buu lahaa haybad law Caliye …….

    Mar hadii xaqii uu heloo geeridi haleeshay

    Qofna kuma hadhaayoo ifkani waa hadh galinkiiye

    Mid kastoo halyeeyiba marbuu hilinka qaadaaye

    Hoygiisi buu Cali tagee Duco ku sii hooya .

     

    Gabaygaa baroordiiqda ahi ma dhama intaasi waa gole ka fuul.

     

    INAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

    GEERIDU WAA XAQ LAGU WADA XUKUMAN YAHAY WAYNUSE KALA HORAYNAYNAA .

     

    ALLE Naxariistiisa Janatul Farduusa Haka Waraabiye Waxa uu Xaqu u yimid oo Geeriyooday  Siyaasigii, Aqoonyahankii iyo Halyeygii Wayna ee Qaranka Somaliland Xilalka kala duwan ka soo qabtay ee Siyaasi Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare ) aanu mudooyinkii noloshiisa u danbaysay si wayn aanu u rafiiqnay, wax badan oo waayo aragnimo nololeed ahna aan ka dhaxlay.

     

    Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu u naxariisto , Waxaanan jeclahay inaan halkan ku soo gudbiyo Taariikh nololeedkiisii oo kooban .

     

     

    Alla ha u naxariistee Wuxuu Marxuum CALI  IBRAAHIM MAXAMED ( CALI- SANYARE) ku dhashay magaalada  HARGEYSA, 1944kii.

     

    A). WAXBARASHADIISII:

     

    Wuxuu marxumku waxbarashadiisii hoose-dhexe ku soo qaatay iskuuladii berigaa la kala odhan jiraay REECE SCHOOL iyo SYKES THOMPSON SCHOOL ee Hargeysa. Wuxuu kadib ku biiray machadkii lagu baran jiray maamulida  iyo maareynta xafiisyada oo uu shahaado ka qaatay. Wuxuu kaloo tababaro sar sare oo ku saabsan maamulida iyo maareynta ka dhameeyey machadkiii loo yaqaanay SOMALI INSTITUTE OF PUBLIC

     

    ADMINISTRATION ( SIPA) .

     

    Alla ha u naxariistee wuxuu waxbarasho dibadeed u tagey dalalka Germany, Holland, Uganda iyo Mareykanka.

     

    Wuxuu shahaad jaamicadeed  oo la xidhiidta maamulka dawladeed “Bachelor of Science on Public Administration” ka qaatay North Eastern  University. Wuxuu kaloo tababaro

    waxbarasho oo  kala duwan ka kala qaatay  wakhtigaaas jaamicadaha kala ah:

    Harvard University. Wisconsin University iyo Missouri University. Maadooyinka

    wax-barasho waxay kala ahayeen :  Labour/Management , Cooperative

    management iyo Community Development.

     

    Alla ha u naaxriistee wuxuu waxbarashadiisii “post-graduate-ka ka dhameeyey machadka

    la yidhaa  INSTITUTE OF SOCIAL STUDIES (ISS) ee ku yaala magaalada HAYG ee

    dalka Holland.

     

    1. B) KHIBRADIISA SHAQO

     

    Alla ha u naxariistee wuxuu Marxuumku  shaqada ka bilaabay sanadkii 1963 maxkamadaha, Isago ku magacaaban

    kaaliye maxkamadeed. Waxaa loo bedelay xarunta Wasaarada Cadaalada ee

    Muqdisho sanadkii 1965, halkaas uu ka noqday Gacanyaraha  Xafiiska Wasiirka Cadaalada ( Assistant in the Office of the Minister of justice)

     

    Sanadkii 1971, kadib markuu helay dhowr dalacaadood, wuxuu noqday AGAASIMAHA

    WAAXDA SHAQADA ( Director of Labour Department) ee Wasaaradda Shaqada iyo

    Isboortiga. Wuxuu noqday  kusimaha AGAASIMAHA GUUD ee Wasaaradda Shaqada iyo Isboortiga.

     

    Bishii Janwari, sanadkii 1975, ayaa xukuumaddii  Soomaliya, ku wareejisay MARXUUM CALI IBRAAHIM URURKA MIDOWGA AFRIKA (OAU) .

    Waxaana loo magacaabay AGAASIMAHA ARRIMAHA SIYAASADDA EE URURKA MIDEYNTA SHAQAALAHA AFRIKA (OATUU) ee xaruntiisu tahay magaalada AKRA ee dalka GAANA. Ururkaas oo ah laan ka mid ah Urur weynaha OAU da.

     

    Sanadkii 1976. Waxaa loo doortay Marxuum CALI. IBRAAHIM KU- XIGEENKA

    XOGHAYAHA GUUD EE URURKA OATUU. Mansabka labaad ee Ururka. Wuxuu

    jagadaas ku fadiyey 14 sano ilaa 1990.

     

    Alla ha u naxariistee Marxuumku Sanadkii 1986, wuxuu shirweynihii caalamiga ahaa ee Ururka Qaramada Midoobay

    ee ILO u doorteen Marxuum CALI IBRAAHIM inuu noqdo XUBIN MUDAN ( Titular Member)  oo ka mid ah xubnaha 58ka ah ee saddexdii sanadoodba dalaka Ururka ku jira u doortaan GOLAHA SARE  ee INTERNATIONAL LABOUR ORGANISATION (ILO) ee fadhigeedu yahay magaalada JINEEFA ee dalka SWIZERLAND.

     

    Sanadkii 1990, ayuu Alla haw naxariistee  Marxuum  CALI IBRAAHIM ka  noqday Sarkaal Sare ( Senior international Civil Servant)  Ururka ILO da. Wuxuu ka shaqeeyey xarunta ururka ee Jineefa muddo 8 sano ah.

     

    Sanadkii 1998 , waxaa Alla haw naxariistee loo dalacsiiyey inuu noqdo Agaasimaha Xafiiska Gobolka

    Afrikada Bari ee Ururka. Xafiis goboleedkaas waxa hoos-yimaada dalaka kala ah:

    KENYA, UGANDA, TANZANIA, ZANZIBAR, SOMALIA iyo SOMALILAND.

    Wuxuu Agaasime ka ahaa xafiiskaas muddo 8 sanadood  oo kale.

     

    31kii bishii JUULAY ee Sanadkii 2006,  ayuu hawl-gab ka galay shaqadii Qaramada

    Midoobay, una soo guuray Hargeysa.

     

    1. C)  MANSAB SIYAASADEED:

     

    Bishii Ogost 15dii,Sanadkii, 2006, ayuu Madaxweynahii  Somaliland ee wakhtigaasi,

    Mudane Daahir Rayaale Kaahin, uu u magacaabay  Alla haw naxariistee CALI IBRAAHIM jagada WASIIRKA QORSHEYNTA QARANKA, ISU-DUWIDA IYO XIDHIIDHKA HA’YADAHA CAALAMIGA AH. Wuxuu hayey mansabkaas afar sano ilaa  2010 kii.

     

    Ilaahay ha u naxariisstee Marxuumku wuxuu baal dahab ah kaga suntan yahay taariikhda Somaliland waxaanu ahaa halyeygii Aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano (SDF), Waxaanu ku guuleystay intuu uu xilka Wasiirka Qorshaynta Qaranka hayey in beesha Caalamku si toosa Somaliland ugula xidhiidhaan oo wixii Caawimo ahna  ugu soo shubaan sanduuqa horumarinta  Somaliland.

     

    Wuxuu  Alla haw naxariistee Marxuum Cali Mudooyinkii ugu danbeeyay  ku hawlanaa arimaha khayriga ah waxaanu ahaa  Guddomiyaha Guddida Mashruuca Dhismaha WADADA CAD EE HARGEYSA/SALAXLEY/INA-GUUXA oo hadda heer fiican maraysa. Waana wadadii ugu horaysay ee laga hindiso dalkeena una hooyo ah dhamaan wadooyinka khayriga ah ee dalka ka socda .

    Mudadaa uu Alle haw naxariistee  Cali Sanyare

    Mashruuc kheyri ah waday waxay ahayd Hawl , hawl  wadeenadeedu si tabaruca ku shaqeeyaan .

     

    1. D) XILALKA KALE

     

    Xilalka kale ee uu Alla haw naxariistee Cali Ibrashim Muhumed ( Cali Sanyare )uu soo qabtay dhalinyaranimadiisii waxaa ka mid ahaa:

     

    >>>. Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada  Somaliyeed ( President, Somali Youth Organisation (SYO). Waxaa lagu  abaabulay ururka magaalada Hargeysa lixdanaadkii, Kadibna wuxuu Wasiir Cali u qaaday Xamar, halkaaso uu ku yeeshay 37 laamood ama  farac.

     

    >>>>  Wuxuu Allahaw naxariistee Isla wakhtigaas jagooyin muhim ah Marxuum Cali Sanyare ka soo qabtay

    URUR-WEYNIHII SHAQAALAHA SOOMAALIYEED (Confederation  of Somali

    Labour. ( CSL), isagoo ka noqday KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD.

     

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 2 May 2018 5:00 AM  ayuu xaqii ugu yimi Cusbitaal ku yaala magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

    Waxaana hadii Alle yidhaa maalinta Isniinta  loo soo qaadi doonaa dalkii ,hadii rabi qadarana Maalinta salaasada ayaa Aas qaran loogu samayn doono Magaalada Hargaysa ,

    Waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha TOON ee duleedka magaalada Hargaysa .

     

    Alla haw naxariistee Marxuum Cali Ibraahim muxumed(  Cali Sanyare ).Wuxuu ifka kaga tagay Xaas Iyo Sadex Caruura oo kala Sharmaake Cali,Ceebla Cali iyo Iido Cali iyo 5 Caruura oo ay sii dhaleen oo uu Awaw u yahay.

     

    Mar hadii xaqii uu heloo geeridi haleeshay

    Qofna kuma hadhaayoo ifkani waa hadh galinkiiye.

    Qofkastoo halyeeyiba marbuu hilinka qaadaaye.

    Hoygiisi buu Cali tagee Duco ku sii hooya .

     

    Runtii waayadaa geeri igaga naxdin badan ma garanayo geerida Marxuum Cali ibraahim muxumed Waana qadar Alla oo dhamaanteen wadadaasaa ina wada sugaysa .

    Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu naxariistiisa wayn ee waafiga ah ku sooro oo uu Iilka neecaw udgoon iyo naruuro ku siiyo.

    Idinkuna dhamaantiin waxaan idinka codaanayaa inaad u ducadaa aamiin ii tidhaahdaan,Idina u ducaysaan.

     

    INAALI LAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

     

    Waxa Diyaariyey: Aqoonyahan Fu’ad  Ibraahim Muhumed (Fu’ad Waaberi) Columbus/ ,Ohio/ ,USA.