Madaxweynaha oo Digreeto ku dhaqan-geliyey Odoroska Miisaaniyad-sannadeedka 2018

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-078/42018 ku dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

    Wareegto Madaxweyne

    Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

    Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markaan Arkay:                  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markaan Arkay:                  Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

    Waxaan soo-saaray;

    Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta Dawladaha Hoose (JPLG).

     

     

     

    ALLAA MAHAD LEH

     

    Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.