HARGEYSA: Magacyada Shaqaalihii ugu tirada badnaa ee WARFAAFINTA oo Shaqo ka joojin iyo Mushahar la’aan Dhowr bilood ah lagu soo rogay (Akhriso Wareegtada)

    0

    Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo, ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxa uu Shaqo ka-joojin iyo Ganaax dhan Saddex bilood oo mushahar la’aan ah ku rogay 24 ka mid ah Shaqaalaha wasaaraddaas.
    Shaqaalahan oo isugu jira masuuliyiinta dhawaan laga qaaday xilal ay hayeen iyo hawl-wadeenno kale, ayaa dhawaan cabasho ay ka muujiyeen Isku-shaan-dheyntaas oo ay ku dhaliileen wasiirka wasaaradda oo ay farriin u mariyeen warbaahinta madaxa=bannaan.

    Wareegtada anshax-marinta ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka, ayaa lagu socodsiiyey dhammaan 24 shaqaalaha ah iyadoo ogeysiin la siiyey Madaxda Wasaaradda, Xeer ilaalinta Qaranka, Xisaabiyaha Guud iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda oo dhammaantood ah hay’ado ay quseyso tallaabada shaqo ka joojinta iyo mushahar la’aanta lagu ganaaxay.

    Waa kale oo wareegtada Wasiirka lagu sheegay in go’aanka rasmi ah la gaadhi doono kaddib marka ay dhammaato muddada ku xusan wareegtadan.

    Magacyada Shaqalaha ayaa kala ah sidan:_

    1. Abiib Iimaan Xasan
    2. Maxamed Xuseen Cali
    3. Mowliid Maxamed Shaqalle
    4. Cabdirisaaq Cismaan Maxamed
    5. Xasan Maxamed Muuse
    6. Khaalid Sacad Muuse
    7. Maxamed Cabdilaahi Sh. Cismaan
    8. Khadar Xuseen Siciid
    9. Nuur Cumar Jaamac
    10. Cabdiqaadir Xuseen Nuur
    11. Ismaaciil Maxamed Cakulle
    12. Daa’uud Xuseen Xiirey
    13. Maxamed Ciise Aadan
    14. Cabdiraxmaan Saleebaan Caynaan
    15. Nimcaan Axmed Dagaal
    16. Cabdiraxiim Muuse Yuusuf
    17. Xasan Ismaaciil Maxamed
    18. Mustafe Cali Xasan Case
    19. Saynab Maxamed Cabdi
    20. Maxamed Muuse Banjiidh
    21. Yuusuf Maxamed Ismaaciil
    22. Axmed Xuseen Warsame
    23. Cali Axmed Cawaale
    24. Cabdisitaar Cabdilaahi Cali

    Tallaabadan, ayaa noqonaysa Markii u horeysay ee go’aan noocan ah lagu fuliyo shaqaale intaas le’eg oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo ah hay’adda ugu muranka iyo khilaafka badan wasaaradaha dalka.

    warfaafin (1)warfaafin (2)