Madaxweynaha Somaliland oo masuuliyiin cusub xilal u magacaabay

    0

    Hargeysa (SLPost) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

    IMG_0001Wareegto Madaxweyne

    Magacaabid

     

    Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

     

    Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

     

    Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

     

    Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

     

    Waxaan Go’aamiyey:

     

    In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

     

    Tir

    Magaca

    Xilka

    1.

    Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

    2.

    Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed

    Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

    3.

    Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed

    Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari

    4.

    Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan Carraale

    Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

    5.

    Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud

    Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

    6.

    Gaashaanle Dhexe, Fu’aad Raage Maxamed Xirsi

    Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka

    7.

    Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud

    Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka

    Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.