Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-30/012018, uu ku magacaabay 11 masuul oo isugu jira Badhasaabbada siddeed gobol, Afhayeenkiisa iyo laba masuul oo kale.
Wareegtada madaxweyne Muuse Biixi ayaa iyadoo dhammaystiran u qorneyd sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markaan Arkay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay:Â Â In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;Â
Markaan Sameeyey: Â Â La-tashi Ballaadhan;Â
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Â
| Tir | Magaca | Xilka |
| 1. | Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiimbaro) | Guddoomiyaha Gobolka Sanaag |
| 2. | Xamse Maxamed Cabdi Axmed | Guddoomiyaha Gobolka Togdheer |
| 3. | Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse | Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex |
| 4. | Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse | Guddoomiyaha Gobolka Awdal |
| 5. | Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax | Guddoomiyaha Gobolka Gabiley |
| 6. | Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim | Guddoomiyaha Gobolka Hawd |
| 7. | Axmed Maxamed Xaashi Ducaale | Guddoomiyaha Gobolka Saraar |
| 8. | Mawliid Maxamed Nuur Warsame | Guddoomiyaha Gobolka Salal |
| 9. | Maxamuud Warsame Jaamac Cali | Afhayeenka Madaxweynaha |
| 10. | Cabdiwaaxid  Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud | La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada |
| 11. | Khadar Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka |
Â
                  [
Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daadmadheed, Buuhoodle iyo Xaysimo waxa xilka guddoomiyenimo sii ahaanaya Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.
Masuuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
         [
Â
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

