Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo Magacaabay Guddiga Xil-wareejinta iyo Miisaanka xubnaha ku jira

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddiga xil-wareejinta maamulka madaxweynaha talada haya iyo maamulka cusub.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Md Muuse Biixi Cabdi, guddiga xil-wareejinta labada madaxweyne, ayaa ka kooban sagaal xubnood oo uu guddoomiye u yahay wasiira arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire.

    FB_IMG_1512571275664Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:-

    “Xafiiska Madaxweynaha La Doortay

    REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017 — December 6th, 2017

    Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.

    Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
    1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
    2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
    3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
    4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
    5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
    6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
    7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
    8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
    9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
    Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

    ALLAA MAHAD LEH

    Muuse Biixi Cabdi,
    Madaxweynaha La Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland