Madaxweynihii hore ee Somaliland oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey iyo Nuxurka Arrimo uu ka hadlay

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa kaddib markii uu ka soo degay gegida diyaaraha ee Egal International Airport, waxaana soo-dhaweeyey masuuliyiin isugu jirta xukuumadda iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

    Daahir Rayaale oo xilligan ku nool waddanka Faransiiska, ayaa ujeeddada socdaalkiisa la xidhiidhaa sidii uu uga qayb-gali lahaa Xafladda Caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi Cabdi oo 14-ka bishan loo dhaarin doono xilka madaxweyne ee Shanta sanno ee soo socota.

    HADDABA, HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAHFAAHSAN