HALA DHAWRO SHARAFTA DOORASHADDA W/Q: HASSAN SHEIKH HUSSEIN OMAR

    0

    Waxaa ayaan daro ah in maalinkasta tv yadda aan kadaawano ololihii loogu talagalay in xisbi waliba kusoo bandhigo barmaamij siyaasadeed ka.

     

    pen2(165).jpg

    Waxaan salaamayaa dhammaan dadwaynaha REER SOMALILAND daljoog iyo dibad joogba .

    Salaan kadib waxaan aad ula socdaa ololaha doorashadda ee dalka ka socda

    Waxaan ku Hambalyaynayaa Xibiyadda Sidii Ay Uga Qaybgaleen Doodii Dhexmartay Sedexda Musharxmadaxwayne Iyo Sedexda Madaxwayne Kuxigeen.

    Waxaa hubaala inay tahay talaabo hore looqaaday intaa kadib

    Waxaa ayaan daro ah in maalinkasta tv yadda aan kadaawano ololihii loogu talagalay in xisbi waliba kusoo bandhigo barmaamij siyaasadeed ka uu dadka ka ibinaayo siloogu codeeyo dalkana uu ku hogaamiyo shanta sano ee soo socota hadii EEBE RAALI KA NOQDO.

    Oo lobadalay faagaro la isu caayo iyo ku caydaa kajawaaba oo wakhti badan kulumiya in kastoo arintaa ay u gaar tahay XISBIYADDA WADANI IYO KULMIYE

    OLOLIHIIBA wuxuu isu badalay sheeko ka dhacday wakhtigii HORE degaan ka midda dhulka somalidu dagto .qabiilkii ka mida dadkii halkaa daganaa oo illahay barwaaqo siiyay ayaa markay dhargeen waxay ku taliyeen in lasameeyo ciyaar lagu dibiro dhacsado waxayna isu qaybiyeen gaalo iyo muslim.waxay yidhaa heen waxaan la baxaynaa KUJU KAJAA IYO LAA ILLAH ILLALAAH.

    Cayaartii waxay isu badashay dagaal lagu hoobtay wixii goobta soo gaadhaana waxay ku kala biireen labadii qolo ee kujuu kajaa iyo laa illaaha illalaa.Dadwaynaha Reer Somalilan Waa Inayna Noqon Labadaa Qolo Een Kor Ku Xusay.

    Xisbiyadda Wadani Iyo Kulmiyana Waa Inay Ilaaliyaan Anshaxa Iyo Sharafda Ololaha Doorashadda .Ooy Ka Iibiyaan Shacabka Barmaamij Siyqsadeed .

    Waxaan Fadlan Ka Codsanayaa Qofkasta Oo Somalilan Lexejeclo Ka Hayso Inuu Dhagaysto Labo Maanso Oo Qaaliya Oo Abwaan

    Ibrahim Gadhle Tiriyay.

    Waa 1.Dirsooc Iyo Mulaaxo

    Wa Bilaahi Towfiiq

    Hassan Sheikh Hussein Omar

    France

    hassan960@hotmail.fr