Madaxweynaha Somaliland oo Isku-beddel iyo Magacaabis sameeyey

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5177/102017 uu isku bedel ku sameeyey laba Guddoomiyaha Gobol, kuna magacaabay La-taliye Madaxweyne.

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

    Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

    Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

    Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

    In Mudane, Ibraahim X. Xasan Cali, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Hawd )

    In Mudane, Cali Maxamed Faarax, uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (hore Gobolka Saraar )

    Magacaabida La-taliye Madaxweyne

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo magacaabidda jagada La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada;

    Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

    Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    In Mudane, Maxamed Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqanka iyo Is-dhexgalka Bulshada.

     

    ALLAA MAHAD LEH

    Axmed Maxamed Silanyo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland