Muuse Biixi oo Guddi Miisaan leh u magacaabay Diyaarinta Iyo maamulka Muraaqibiinta Xisbiga Kulmiye

    0

    Hargeysa (SLpsot)- Guddoomiyaha ahna murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga uga qayb-qaadanaya doorashada la filayo inay bisha soo socota ka qabsoonto dalka.

    War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Xisbiga oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi, ayaa lagu shaaciyey Shan Xubnood oo guddigani ka kooban tahay taas oo uu guddoomiye u yahay Cabdicasiis Maxamed Samaale, wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland.

    War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan: “Ujeeddo: Magacaabista Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE.

    Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa uu magacaabay Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE. Xubnaha Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay kala yihiin:

    1.Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye

    2.Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan – Guddoomiye Ku Xigeen

    3.Cabdikariim Axmed Maxamed

    4.Ibraahim Daahir Dubad

    5.Axmed Muumin Seed

    Guddidani waxa ay masuul ka yihiin diyaarinta, tababarka iyo maamulka muraaqibiinta iyo goob-joogayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay masuul ka yihiin adeegsiga farsamada cariga ah ee IT-ga iyo xog ururinta (Data Collection). ALLAA MAHAD LEH,

    Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.”