Madaxweyne Siilaanyo oo Isku-shaandheyn ku sameeyey Masuuliyiin ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Hay’adaha ay saamaysay

    0

    Daawo:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Jeediyay Khudbad Sanadeed Dhinacyo Badan TaabanaysaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay’adaha madaxa banaan ee dalka.

     

    Madaxweynuhu:

     

    Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

     

    Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

     

    Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

     

    Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

     

    Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

     

    Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

     

    Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

     

    In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal)

     

    In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Maroodi-jeex)

     

     

     

     

    Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

     

    Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh)  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

     

    Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

     

    Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);

     

    Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

     

    Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

     

    Markuu Ku Qancay:           In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

     

    Wuxuu go’aansaday

     

    In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)

     

    In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)

     

    Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

    Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

     

    Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

     

    Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

     

    Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

     

    Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

     

    Wuxuu go’aansaday

     

    In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP)

     

     

     

    ALLAA MAHAD LEH

     

     

     

       Xuseen Aadan Cige (Deyr)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL