Madaxweyne Siilaanyo oo gobollada Maroodijeex iyo Awdal ku soo kordhiyey laba degmo oo cusub

    0

    Daawo:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Baarlamaanka U Jeediyay Khudbad Sanadeed Dhinacyo Badan TaabanaysaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa magacaabay laba degmo oo cusub oo ka kala tirsanaan doona gobollada Awdal iyo Maroodijeex.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada, labada degmo ayaa kala ah DACARTA oo ka tirsan gobolka Maroodijeex iyo Xeego oo ka tirsanaan gobolka Awdal.

    War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.

    Madaxweynuhu:

    Markuu Arkay:      Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:      Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

    Markuu Tixgeliyey:              Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaamadaasi;

    Markuu Tixgeliyey:              Baahida loo qabo in Deegaamada Dacarta iyo Xeego loo magacaabo Degmooyin cusub;

    Markuu Dhegeystay:           Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

    Wuxuu go’aansaday;

    1.In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

    2.In uu Xeego u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.