MADAL: Maanso Miisaan leh oo ku soo biirtay Silsilad-suugaaneedka MIIMLEYDA ee uu ibo-furay Abwaan HD Weedhsame

    0

    AXMED YUUSUF CALIMaansadan waxa tiriyay hal-abuurka Axmed Yuusuf Cali, waana maanso kamida maansooyinka silsilada Miimlay oo uu bilaabay abwaan Xasan Daahir (Weedhsame) kana qayb qaateen  abwaano kale oo tiro badan

    Maansadan oo la magac-baxday MADAL waxay soo baxday 19-03-2017, waxaanu abwaanku ku bilaabay sida tan:

     

    Mur haday kadarantahy

    Runtu waa ma dhaafaan

    Dhuyuc iyo Madheedh iyo

    Miici weeye aan jabin

    Mareegtiyo silsiladiyo

    Miimleey abwaankii

    Maaxdeeda iba furay

    Muduciga warkiisiyo

    Muducaalihii iyo

    Marag tafa-tirkeediyo

    Millad iyo ismoodsiis

    Meerisyada la yaabka leh

    Milgihii Suugaantee

    Loo wada mashxardiyo

    Mulaaxdii haweenkee

    Maansada bilaysiyo

    Muran diida Deeqiyo

    Maryan maatodeediyo

    Ninka tiriyey Maandhaaf

    Inta eray muceedlee

    Lahalmaasha ee kale

    Mahad baan u naqayaa

    Aniguna miskeedshoo

    Masalooyin dhawroo

    Damiirkuna ka magaagoo

    Maskaxdayda gubayaan

    Soo mina warleeye

    Miidaanka dheeshiyo

    Inta minaka joogtiyo

    Doodaha maxkamddaa

    Inta milic sanaysiyo

    Muta saamiciintiyo

    Waxay madashu leedahay

    Muducaalihii hore

    Miida iyo lafaha iyo

    Milil hoos u dagaybaad

    Maqaarkuun ka dhayatoo

    Waana muhindiskiisee

    Ka mugway amuuruhu

    Sidaad adigu moodee

    U miidaanday xaajada

    Murti yahan horaa yidhi

    Mugdi dama habeenimo

    Meel cidlaa ninkii tagay

    Murdisada sara u fidhay

    Miliqdii ninkii dayay

    Muunidii fartaag yidhi

    Aan kuu micneeyee

    Caku mudanahaygiyo

    Xaakinkii maxkamadiyo

    Ma ogtahay awaaroow

    Dar maluuqan baa jira

    Ku agmeera baajira

    Dadka meesha marayana

    Iska daba mushaaxoo

    Daba muluushiyaa jira

    Dad aan miirlahaynoo

    Loodhiibo midigtoo

    Maatada u tudhinoo

    Xaqa mooro duugoo

    Mijin qudha haduu helo

    Isa soo maqiiqoo

    Kugu muruxsanaayoo

    Af madiila baajira.

    Miishaar afwaynliyo

    Majaduu ku darayaa

    Maqab iyo maxaadh iyo

    Miish buu ku sudhayaa

    Waa markhaati beenloo

    Dooduu murginyaa.

    Milad buu ku darayaa**

    Miidaanka dheeshiyo

    Inta minanka  joogtiyo

    Doodaha max kamddaa

    Inta milic sanaysiyo

    Muta saamiciintiyo

    Waxay madashu leedahay

     

    Ma ogtahay abeesadu

    Maarantiyo tamuuxdaa

    Mirashada habeenkii

    Had kastaba ma mudatee

    Madhxisay tidhaahdaa

    Shinniduna macaankiyo

    Malabkeeda doocaan

    Kol qudhaato muudsoo

    Madhi kuma hawootee

    Way miisha taa garo

    Maqanaha mushteegee

    Is-makeekiyaayee

    Malkadayda dala,asaday

    Murdisiyo dirkeedana

    Madaxaw salaaxoow

    Manaako iyo taywaan

    Ama murishiyoostaa

    Waar miyaan ka liitaa

    Ma ogtahay maleesiya

    Rush iyo maraykaan

    Musuq laguma gaadhee

    Maso iyo insaaf baa

    Qaran lagu majiirtaa

    Maqanaha mushteegoow

    Xilku meerto weeyee

    Raga meesha marayaa

    Marti haw malaynine

    Waa muwaadiniintii

    Hadaan laga masuugayn

    Madaxdaad ku taamtiyo

    Mahwi gaad ku turatiyo

    Maarshaaladeenaa

    Maskabkiyo kuraastiyo

    Mansabkay ku faanaan

    Iyagaa muhiibshoo

    Midigtay u taageen

    Macal quutayaashaa

    Maatidooda dhiigiyo

    Ka idleeyay muudkii

    Hadii ay minhaajkiyo

    Muqnigii u eegeen

    Oo ay maarahoodii

    Mariikh iyo cirjiidh iyo

    Minka uga xidigiyeen

    Ama booli miistaha

    Ka mushaawiroodeen

    Maxaad uga ba,aysaa

    Ma mucaarad fooshaa

    Ma makhruuqa yaalbaa

    Ma masayr xiltooyaa

    Madde diidku waa kuma

    Midnimada u bu,ayaa

    Ma musaalax diidbaa

    Mooraalka yaadilay

    Mahuraanka yaa duray

    Maansuukhu waa kee

    Xaaraan maqdaca iyo

    Maarkaha kumaa  dhacay

    Mahubsadaha baas iyo

    Khabar-maadayaashiyo

    Muudaagu waa kee

    Is-maliigu waa kuma

    Dhalintaa mucuurtoon

    Ka maleeganaysiyo

    Saxaraha ku madhatiyo

    Maxastiyo danlaydaa

    Muscur kaa badaayee

    Mallafsiga yiqaaniyo

    Maxishoode waakee

    Miidaanka dheeshiyo

    Inta minaka joogtiyo

    Doodaha max kamddaa

    Inta milic sanaysiyo

    Muta saamiciintiyo

    Waxay madashu leedahay

     

    Masuul miliqsanaayiyo

    Mooshin quutayaashoow

    Miizanaayadii shalay

    Miridh golaha taalee

    Lala wada mabsuudee

    Maya hay danbaysee

    Nin ka maagay qodoboo

    Misna aamusnaa jirin

    Xaqu-qalinka muusaha

    Mucaawunada yurub iyo

    Maqalada la ii madhay

    Maraakiibta badihee

    Malaygiyo godkiisiyo

    Moqorada jaraafkiyo

    Biyahaa magaalkiyo

    Marsadiyo cashuurtiyo

    Macdan-meerarkoodiyo

    Mataanaha dhaqaaluhu

    Maka muuqanaayeen

    Maka muuqanaayeen

     

    Miidaanka dheeshiyo

    Inta minaka joogtiyo

    Doodaha maxkamddaa

    Inta milic sanaysiyo

    Muta saamiciintiyo

    Waxay madashu leedahay

    Mooshin quutayaashoow

    Meeqaaqa shiidaal

    Sanadaan maqlaayoo

    Malkadeena laga waday

    Malihiina beenta ah

     

    Waxaad noo maldahaysaan

    Dhagixii mudnaa iyo

    Macdantaa laqodayee

    Jayne iyo mayaymaar

    Loogu yeedhay mooryaan

    Iibkeeda lagu mabay

    Manfacana laqaybsaday

    Ana layga maanacay

    Nin kastoo magaabshoow

    Macsharkiyo qiyaamaha

    Makrigaad falaysaa

    Uu ku maraqsan doonaa

    Miidaanka dheeshiyo

    Inta minaka joogtiyo

    Doodaha max kamddaa

    Inta milic sanaysiyo

    Muta saamiciintiyo

    Waxay madashu leedahay

     

    Daayeer ismarayoo

    Mal-mal cunay abaartoo

    Maydhaq iyo sakaar iyo

    Mudka dhuunyanaayaa

    Lala muusanaabee

    Mucjis geelu weeyee

    Markuu milay abaareed

    Maraqiisa qaadee

    Marraaq iyo dab saayaday

    Maygaaga sare iyo

    Dhulka jiifto maadhiyo

    Morohdii kol aytahay

    Midhcaantii dhirteeniyo

    Midhihii idlaadeen

    Badda mawjadeeduu

    Maydhada u doontoo

    Tikhi buu muquurada

    Majaacada ku didiyaa

    Macbuudkaa hagaayee

    Markay daba-martaysana

    Dib buu isu majiiraa

    Maqashuna dhir muruxday

    Midhadhkii kasoo hadhay

    Dul magaagsan tahayooy

    Muur-muurinaysaa

    Hadaan loo miciinayn

    Mawlahaa u maqanoo

    Miiraale rooboo

    Mabaashida u gaaruu

    Ku macsuumi doonaa

    Adna mayti baad noqon

    Waxay madashu leedahay

     

    Musdanbeedyo badaneey

    Maah-maahihii suna

    Gor-gorkii muqloobee

    Murti laga abyamayee

    Garo lagu maraynjiray

    Maalay kadaranoo

    Maan-gadaa kadaba timi

    Mudeec iyo hashaydii

    Qoodha kaan u madhayeen

    Mayalkiina ugu daray

    Maba dhaadin moogee

    Darkaloo malkhamad loo

    Mudo weheshanaayoo

    U milxiisa baa jira

    Waxay madashu leedahay

     

    Midhadh miigan mooyee

    Ma ogtahay siyaasigu

    Waa geed-ismaris iyo

    Maska laabta hoosiyo

    Luquntaba madaw ee

    Miciyaha ku sudhayee

    Waabayda Milan iyo

    Kugu dura mariidkee

    Midhif  kaaga tagayee

    Miiraabadaadana

    Maasha iyo xanuunkuu

    Marawaxadiyaayoo

    Dareenkana muquunshaa

    Kolkuu kaa muraadsado

    Waa cadaw marooroo

    Maas kuu gashanayoo

    Tiisuun ku mariyoo

    Margi iyo qaloocoo

    Macaluusha dhaayaha

    Maxaadh loogu tolayoo

    Maalintay ka dhawdahay

    Muddo -korodhsanaayoo.

    Xadhig-marana weeyaan

     

    Aan soo afmeeree

    Waxay madashu leedahay

    Muumin daacadoo saxan

    Oo masalihiisiyo

    Masjidkiisa laasimay

    Mujrim aan ahaynoo

    Alla magansanaayoo

    Magaciisa dhawroo

    Manhajkeena diintiyo

    Muslimnimo ku caanbaxay

    Maba xilo illaahay.

     

    AXMED YUUSUF CALI

    HARGEYSA, SOMALILAND

     

    HALKAN KA DHEGAYSO MAANSADA OO MAQAL AH