Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqan-geliyay Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka

    0

    (SL.Post) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4469/012017, ku meel mariyey dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka.

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-32/710/2017 ee ku taariikhaysan 03/01/2017 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

    Wuxuu Soo Saaray.

    Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.

    Somalilandpost.net