Xubno Hore Ugu Fashilmay Masiirkooda Siyasadeed Oo Ku Biiray Xisbiga WADDANI

    0

    Hargeysa (SL.Post) Xubno siyaasiyiin reer Somaliland ah oo hore ugu soo fashilmay misiirkooda siyaasiga ah, ayaa maanta la midoobay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

     

    5_fotor

    Xubnahan ayaa waxa ka mid ah Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdihii sannadihii u dambeeyay laga yagleelay Muqdisho, kaas oo dhawaan dalka yimi islamarkaana sheegay inuu ka noqday mabdi’iisii Soomaaliweyn, Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), Cali Maxamed Ibraahim (Cali-Sanyare) oo ahaa Wasiirkii qorshaynta qaranka ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, islamarkaana muddooyinkii u dambeeyay aan meelna lagu arkin barnaamijyadiisa siyaasadeed, Cabdiraxmaan Jaamac Turwaale oo xil Wasiirnimo ka soo qabtay Somaliland, Rashiid Jaamac iyo xubno kale.

     

    Xisbiga WADDANI ayaa xubnahan maanta u qabtay munaasibad ay ku sheegeen mid soo dhaweyn ah oo nuxurkeeda lagu sheegay inay xoojinayso cududooda mucaaradnimo.

     

    Somalilandpost.net