Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Xubnaha Qaban-qaabada Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID

    0

    Hargeysa (SL.Post) Garabka uu hoggaaminayo musharraxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID  Jamaal Cali Xuseen,  ayaa soo xuley shanta xubnood ee uga qayb galaya qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga UCID ee dhawaan Maxkamadda sare ee Somaliland go’aamisay in lagu qabto muddo 60 cisho ah.

    ????????????????????????????????????
    ????????????????????????????????????

    Shantan xubnood ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sidan:-

    1) Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

    2) Xussen Caynaan Faraax

    3) Xussen Xassan Badmaax

    4) Aadan Cali Yoonis

    5) Cali Maxamed Xassan

    Waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay garabkan oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), balse Garabka  Faysal Cali Waraabe ayaan iyagu dhinacooda soo magacaabin shanta xubnood ee uga qayb-galaya shirweynaha UCID.

    Somalilandpost.net