Wasiirkii Warfaafinta Puntland Oo Is Casilay ­­

    0

    Garoowe (SL.Post) Wasiirkii Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaarda warfaafinta maamul gobolkeedka Puntland.

    wasiir-soocade

    Maxamuud Xasan Soocade waxa uu iscasilaadiisa ku tilmaamay mid shaqsiyadeed iyo arrimo isaga u gaar ah, isagoo meesha ka saaray khilaaf u dhexeeyay isaga iyo Madaxweyne Gaas.

     

    “Iscasilaadayda madaxweynaha ayaan maanta u geeyay, waana ii iga aqbalay runtii, madaxweynaha warqad qoraal ah ayaan u geeyay oo ku saabsanayd iscasilaadayda, kuma imaan runtii colaad iyo xumaana anniga madaxweynaha iyo xukuumadda ka dhaxaysa ma jirto. waa arrin anniga uu gaar ah” ayuu yidhi Soocade.

     

     

    Somalilandpost.net