Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Dib Loo Dhigay

    0

    Hargeysa  (SL.Post)  Warsaxafadeed uu maanta soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee  WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uuracde, ayaa lagu sheegay in shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi dib loo dhigay muddo todobaad ah.

     

    WADDANi

     

     

    Warsaxafadeed uu soo saaray  Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI oo gaadhay shabakada Somalilandpost.net, ayaa u dhignaa sidan: –

     

     

     

    “Iyada oo Guddiga Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI hore u iclaamiyey in shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI qabsoomayo 1-2 October, 2016.

     

    Waxaa lagu war-gelinayaa dhammaan Laamaha dibedda, gobollada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xubnaha Golaha Ghexe ee Xisbiga WADDANI in arrimo farsamo awgeed dib loogu dhigay qabshada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI 10-11, October  2016.

     

    Displaying Dib-u-dhigista Shirka Golaha dhexe scan.jpg

     

    ALLAA MAHAD LEH

     

     

    _________________________________

    Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcade

    Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI