Xisbiga KULMIYE Oo Sheegay In Dib U Habayn Lagu Samaynayo Barnaamij Siyaasaddeedka Xisbiga

    0

    Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE  Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac  Shabeel), ayaa sheegay in dib u habayn lagu samaynayo Barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE.

     

     

     

     

    “Waxaannu wad-nay in aannu dib-u-eegno duruufaha cusub ee soo baxay,arrimaha cusub ee soo kordhay,markaas hawsha dib-u-haybaynta Barnaamijku wey socotay maalmahaaba. Laakiin maalmahan u danbeeyay ayaa la qaaday talaabooyin kale oo guud-ahaanba dib loogu eegayo Barmaamijka siyaasaddeed ee Xisbiga.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo warbaahinta la hadlay

     

     

     

    Barnaamijkan siyaadeed ee uu ka hadlay Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel ayaa ah kii xisbiga KULMIYE ku galay doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2010-kii ka qabsoontay Somaliland.

     

     

     

    Halkan ka daawo.

     

     

    Somalilandpost. Hargeysa