Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Degmooyin cusub iyo gobollada ay ka tirsan yihiin

    0

    A-A-A-SIILAANYOHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:           Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:           Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

    Markuu Tixgeliyey:          Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

    Markuu Tixgeliyey:        Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

    Markuu Dhegeystay:    Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

    Wuxuu go’aansaday;

    In uu Balli-mataan  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

    In uu Geba-gebo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

    In uu Faqayuub  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

    In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.

    In uu Wadaamagoo  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.

    In uu Adhi-cadeeye  u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

    In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.

    ALLAA MAHAD LEH

    Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.