Madaxwayne, Adhicadeeye Iyo Dhuunyeedhiska Kulmiye Maxaa Kulmiyay?

    0

    adhicadeeyeTaariikhda madaw iyo firix dhabadka u danbeeya ee isku si naftu uga baxdo ayaa u ah calaamad lama ilaawaan ah

    Dharaaraha dhuunyeedhiska lagana yaqaano maalmaha qorraxdu ifkan u soo baxday lana soo dhaafay

    Tababare Maxamed Siyaad Barre  casharradii uu sii bixiyay ayay weli kusii tasbiixsanayaan guulwadayaasha kasii jooga rajiimkii godka madow ku riday dadka iyo dalka mid walibana wuxuu maalinta dhimashada maamulkiisa sii aasaa ugxanta dhagaxa ka sii hoosaysa dilaaceeduna wakhtiga qaadanayo

    Dadka iyo dalkuba waxay baahiwayn u qabaan wax qabad muwaaddin umase baahna wax qabad danayste eel reeba

    Bare sare Maxamed siyaad barre liiqliiqadkiisii wuxuu iska daba tuuray sarrifka gobolo hore u jiray inuu kasii gooyo gobollo uu ku madax  madax salaaxayo sidoo kale ujeedo gaar ah isagu ka lahaa

    Gebogebadii dhuunyeedhiska

    Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku hanbabaray qararacdii (Udub) codka galgaladka nafka baxa ah ayaa keenay sarrifka mar labaad lagasii jajabiyo gobolo iyo degmooyin shacbiga madaxa la isugu sii geliyo waa intaasoo sakaraadku isu bedelaa nasiib aakhiro ka wardoon ah

    madaxwayne siilaanyo tan iyo maalintii reer adhicadeeye qasriga madaxtooyada kusii gelbinayeen ma maanta ayuu tebay?

    Haduu tebay se ma wuxuu ku xusay magacooda adhicadeeye waa degmo?

    Waanu ogayn oo waa degmo anagaana ka dhignaye miyaadan madaxwayne ogayn awel?

    Hadaadan ogayn bal madaxwayne sidaa la soco adhicadeeye anagaa ku filane

    Wiilwaal baa laga sheegay dibiga iyo weedha maxaa kulmiyay

    Tolow dhuunyeedhiska kulmiye iyo weedha maxaa kulmiyay?

    Maanta waxaa laga wada dheregsanyahay tubta uu kulmiye marayo iyo galgaladka naf ka dhawrka ah reer adhicadeeye maaha kuwo lagu maaweelinayo ama loogu madax buuxinkaro

    Go’aanka dadka reer sool waa meel

    Guulwadaha hore ayay u diideen

    Wakhtigii jeebka dilaalka la gelinjirayna maaha maanta

    Waxaan xasuustaa tix uu lahaa halgamaagii (usc)

    Geelle ismaaciil macalin ibraahim

     

    Jeestada ninkii taag yar baa taakulayn bida’e

    Sida tabihi beelleey u dheel tabihi caydiide

    Taageerayaashii la kece tii alliyo guule

    Tadoba iyo eber looga badi tuugadii sulux

     

    Runtii geydha soodhacaysaa haddiiba ay asqaysiisay kooxda ina biixi odayguna nagula soo galgashay waanu ka xunahay reer adhicadeeye ahaan

     

    Taariikhda maanta ah

    Tartan kuma haboonee

    Ka u taagan baa mudan

     

    Tab kastaaba xeel lehe

    Dhaliyuhu tilmaan lehe

    Tahniyad laacib kaa mudan

     

    Qalinka

    Abdijibaar Aaden Gaas