Ciidanka Liu Police, Ayaa afduubay inka badan 50 culimo iyo caqaal ah

    0

    Ciidamada-Liyu-Police
    kowdii ramadaan ayay ahayd markii ay ciidamada liu policeku xasuuqka gaysateen
    deegaanka jaamac dubad oo dhanka bari ka xigta degmada gaashaamo.

    Dumar,caruur,ciroole midna looma kala eegin ee waxa sigarbo siman ah loo xasuuqay dad maato ah oon waxba galabsan.

    madaxwaynaha maamulka kilidhka ayaa wax aan macno lahayn iyo dadka kootarabaan waday ku sheegay maatada birma gaydada
    ah ee sida cadawti nimada leh loo xasuuqay mar waxa laga waydiiyay arinkan
    dhanka kalena waxa uu si badheedha u difaacay ciidankiisa oo uu sheegay inay shaqadooda gudanaye.

    waxa intaasba ka sii dartay markii ay shalay isla ciidanka xasuuqayaasha ahi afduubeen inka badan 50 qof
    oo isugu jira cuqaal,wadaado iyo waxgarad kale oo ka ambaxay magaalada burco si kadib markii ay loo keenay
    warqad sheegaysa inay inay ergo ka socota dawlada federalka ah ee Ethiopia doonayaan inay la kulmaan.
    sida ay sheegeen ila wala wareedyo u dhuundaloola waftigan balaadhani markii ay gaadheen
    magaalada gorgor oon sidaas uga fogayn tuulada jaamac dubad waxa ay la kulmeen ciidankii dibtooda
    ay ergada ka ahayeen oo halkaas loogusii diyaariyay isla markaana si qafaalasho ah u kaxaystay.

    Isku soo wada duuboo xalada ayaa ah mid aad u cakiran iyadoo la arkayo
    sansaanta colaadeed ee ay oogayaan cidanka kotonlayaasha ah oo mudadii ugu dambaysayba soo noq noqonaysay.

    lama garanayo gunta iyo gaba gabada meesha ay ku soo ururi doonto .