Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Oo Xukuno Ku Riday Salaadiin

    0

     

    Hargeysa (Slpost) 14 qof oo saddex ka mid ahi madax-dhaqameed yihiin, ayaa Maxkamadda Hargeysa ku xukuntay xadhig iyo ganaax lacageed oo kala duwan, magaalada Mandheera ee Somaliland.

     

     

    SULDAAN-MAWLIID-SABAYSO

     

     

     

     

     

     

     

    Dadkan la xukumay ayaa ku eedaysnaa inay khalkhal geliyeen goob ay ka socotay diiwaangelinta doorashada muwaadinku oo ku taalla waqooyiga magaalada Hargeysa.

     

    Salaadiinta ayaa kala ah:

     

    Suldaab Ibraahim Suldaan Sulub

     

    Suldaan Mawliid Cali Sabayse

     

    Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore

     

    Garyaqaan Xasan Cali Xasan oo ka mid ah garyaqaannadii u doodayay dadkan oo in muddo ah xidhnaa, ayaa waxa uu xukunka ku tilmaamay mid sharci-darro ah.

     

    Garyaqaanka ayaa waxa uu ku dooday in maragyo ku filan aan loo cuskan xukunkan, isla markaana salaadiintu la xukumay ay deegaankaa u tageen inay shaqaaqo ka jirtay xalliyaan. Garyaqaanku wuxuu intaa ku daray inay rafcaan ka qaadan doonaan xukunka.

     

    Somalilandpost. Hargeysa