“Maxkamadda Iyo Guddida Diiwaangelinta Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Dacwadayada, Go’aamo Ka Soo Saraan” Jamaal Cali Xuseen

    0

    Hargeysa  (Slpost) Musharraxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Maxkamadda sare iyo guddida Diiwaangelinta ururada iyo ansixinta Axsaabta qaranka ugu baaqay inay si deg-deg ah go’aamo uga soo saran dacwadii ay u gudbiyeen ee ka dhanka ah Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

     

     

     

     

    1-1

     

     

     

     

     

     

     

     

    Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu baaq u diray taageerayaashiisa.

     

     

    Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu sheegay inay baaq u dirayaan Maxkamadda sare iyo guddida Diiwaangelinta, isaga oo u soo jeediyay inay go’aamo ka soo saaraan dacawadii ay u gudbiyeen, waxaanu yidhi  “Waxaan ugu baaqaynaa Maxakmada iyo gudidda Diiwaangalinta Ururada inay dacwadayada si deg-deg ah u galaan oo ay go’aamo uga  soo saaraan, taageerayaashana waxaan leeyahay ha niyad jabina halkii u danbaysay ayaynu maraynaa.” Ayuu mar kale yidhi Jamaal Cali Xuseen

     

     

     

    Somalilandpost. Hargeysa