QAAHIR (SLpost)- Afar Boqol oo Ruux Dad tiradooda lagu sheegay oo Tahriibayaal ah oo Boqollaal ka tirsani Soomaali yihiin, ayaa ku dhintay Badda u dhaxaysa waddamada Masar iyo Talyaaniga, kuwaasoo keliya 40 Ruux oo ka tirsanaa la badbaadiyey sida ay xaqiijinayaan wararka Warbaahinta caalamku ka faafisay Shilkaas naxdinta badan.
Sawirrada Dadka Dhintay Intooda Warbaahintu Heshay Iyo Liisaska Magacyada 64 Qof Oo Dhammaantood Dadka Dhintay Ku Jira Oo Aanu Helay Waxaad Kaga Bogan Kartaan Sawirradan Hoose Oo Midkasta Oo Aad U Baahan Tahay Dhexdiisa Kilig-Garayn Karto Si Aad U Aragto Ama Ula Degto Sawirka Oo Dhammaystiran:-
Allah ha u naxariistee Dadkan ayaa Doon ka raacay Xeebaha dalka Masar, kuwaasoo Doontii ay saarnaayeen kula geddoontay Badwaynta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, isla markaana Markab ay leeyihiin Ciidammada ilaalada Xeebaha ee Giriigga, ayaa isku dayey inuu badbaadiyo dadka saarnaa Doontaas.
Hase-yeeshee, waxay dhibaatada ugu badani ka dhacday markii ay Dadka Doontaas saarnaa intooda badani isku dayeen inay ka baxsadaan Markabkaas. Doontaas, ayaa geddoontay markii ay badi dhinaca Markabku ka soo istaagay mooyee dhinaca kale ay uga boodboodeen Doontaas iyagoo qaarkood isku dayey inay Dabbaashaan.
Halka inta yar tirada dadkaas ay isku dayeen inay dhinaca Markabka uga baxaan doonta, hase-yeeshee, nasiib-darro, Dadka dhinicii Miisaanka Dadku u batay ee xagga Badwaynta ayey u dhacday Doontaas, iyagoo dadkii saarnaa ay Biyaha Badda hoos mareen.
Waxay Doontani Habeennimadii Jimcaha ee toddobaadkii hore ka baxday Xeebaha dalka Masar sida uu xaqiijiyey Weriyaha Horn Cable TV ee Qaahira oo ka tirsan dadka arrimahaas Tahriibayaasha si dhaw ula socday markii ay Masar ka baxayeen, waxaana afarta Ruux ee la badbaadiyey la geeyey dalka Giriigga oo uu u qaaday Markabka waddankaas laga lahaa ee badbaadiyey.
Warbaahinta Soomaalida qaarkeed ayaa heshay Magacyada iyo Sawirrada qaar ka tirsan Soomaalida Doontaas saarnaa oo ay ka mid yihiin dad badan oo ka tegay magaalooyinka Somaliland badankooda, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Haddaba, waxay Warbaahinta Aftahannews heshay oo aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Lixdan Magac oo ka tirsan Allaah ha u naxariistee Muhaajiriinta la helay illaa hadda Magacyadooda iyo weliba Sawirrada la helay, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan Hoose oo aad kaga bogan kartaan Magacyada iyo Sawirrada aannu helnay.
Magacyada Dadka Dhintay Inta ilaa hada la Helay:-
1- Nuura Cismaan Axmed (Ina Food)
 2- Nimco-dheeman (Waxay ahayd hooyo inan yar wadata)
  3-Muuna Yuusuf Axmed
 4- Layla Xuseen Axmed
 5- Salma Muxumed
 6- Xamda Maxamed Dhakhtar
  7- Cabdirisaaq
 8- Ciise Cali
 9- Cismaan Cabdiwali Shagaxle
 10- Mukhtaar Ciise
 11- Axmed Aadan
   12- Farduus (BURCO)
   13- Ruqiya Idiris
   14- Guuleed Dalmar
   15- Deeq
   16- Cabdicasiis Cali
   17- Khadar Axmed
   18- Cabdirisaaq Maxamed Case
   19- Qadan Saalax Cabdilaahi
   20- Nuur
   21- Ubax.
   22- Hodan
   23- Xamda Wali
   24- Maxamed Khadar
   25- Tayasiir Axmed Yusuf
   26- Cawaale Xawaadle
   27- Koos Xusen Cali
   28- C/casiis Maxamed Khadar (shiyo)
   29- Sakariye Caynsane
   30- Mukhtaar Laangadhe
   31- Ubax Axmed Cabdiwali
   32- Asad Xasan
   33- Cabdicasiis
   34- Bilaale Milyare dheeliye
   35- Xamda Cabdilaahi
   36- Warda
   37- Nawaal Jibaaxe
   38- Sacad Sulub
   39- Axmed Shuuriye
   40- Mukhtaar Ciise
   41- Kowsar (Gabadhii Mukhtaar)
   42- Jamaal Cabdilaahi Mataan
   43- Cawil Gaardi
   44- Shiine Khadar
   45- Farxaan (Shoodhe Guray)
   46- Muxumed Saleebaan (Socoto)
   47- Kaltuun
   48- Siciid Casaanyo
   49-Cabdirisaaq Guray
   50- Samatar Cilmi
   51- Faysal Hanad
   52- Maxamed Mire
   53- Barwaaqo
   54- Ayman
   55- Maxamed Faroole
   56- Baashe Faarax Jaamac
   57- Khadra
   58- Cawil
  59- Axmed Abiib (Jano Gale )
  60- Aadan.


