Gabay Baroor-Diiq Ah: Jimcadu Galbaday Waxa Curiyay Abwaan Sacad Axmed Xasan

    0

    Gabaygan oo uu curiyed Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu ugu baroordiiqayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkii ama inaadeerkii Marxuum Cumar Cabdi Xasan (cumar-saalax) oo lagu aasay Magaaladda hayderban ee carriga dalka Hindiya, taariikhda 31/04/2016. Wuxuu yidhi sidan:

    Gabaldhacay wadnaha oon garnayn, goor danbiyo laylki

    Sida xuur wadkeed galay waxaan, wada galluubnaano

    Ama guluf colaadeed kolkuu, go’ay la yaacaayey

    Ama sida gammuun qaarad kale, gannan la soo tuuray

    Ama guban abaartii sidii, gaban u ooyaayey

    Ama telifan sida koorta geel, gininig laynaayey

    Gurxankayga laabtii waxay, gululum laynaysay

    Qarqarsiga sidii awr gar weyn, gommodda qaadaynin

    Hayderaban geyiga durugsanaa, goobta lagu aasay

    Dalka aanan gaadhayn miyaan geedna ii muuqan?

    Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay

    Ma suldaanki baa geeri ba’an, goonni ula joogay?

    Galiilyoda jamaalow qalbiga, gawda ladi wayday

    Indho gabadhle murugadan ilmada, gobo’da kaa haysa

    Yaxyow galgaladkii hurdada, Gama la’aan tayda

    Faysal oo gab soo yidhi gariir, gibil ma hoos jiifay

    Geeriyahay dadkii waad gurtee, garab miyaad goysay?

    Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay

    Giddigood jannada eebbe gee, waa god aakhiro’e

    Ga’da xaraf guhaankii miyaan, gabaygi dayn waayey

    Maatiduu gargaaraayey iyo, gacantu siinaayey

    Ama gurada wada saarayee, naga gunnaynaayey

    Gabbood wuxu cabdow noo ahaa, garab walaaleede

    Maantaan halkii garanayaa, gaadh ahaan jiraye

    Gob miyaan la guranayn midhihi, guudka bixinaayey

    Gahgahduu qoslaayiyo farxaan, gees bannaynaayey

    Ama sheeko googoos kaftana, gole ka maadeeyey

    Giraantii la soo meerin jiray, gelengel weeyaane

    Guntiguu xidhnaa hawlkarnimo, gudasho hawshiisa

    Ama guri cas kuu oodi jiray, guul ka dhallinaayey

    Shirkadduhu gardaadshiyo wuxuu, galacda waa toosay

    Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaan waynay

    Goodaad adeerkay miyuu, geelle iga raacay

    Belwad gawska jaad muu ku cunin, laacib waad garane

    Kubbad xeegadii uu girgirin, gudub u rooraayey

    Garoon sacabka loo tumo ciyaar, gool wuxuu dhaliyey

    Geeriyeey dadkii waad gurtaye, garab miyaad gooysay

    Guurtiduu ahaan jiray intuu, goob iskugu geeyo

    Gartuu gooyo iyo hadal runtuu, gaw ku siinaayey

    Garwaaqsiga asxaabtii siduu, ugu guddoomaayey

    Geeriyahay dadkii waad gurtaye, garab miyaad goysay

    Xaq anoon giriifayn illaah, geeridani keenay

    Gaadaay adduunyooy ileyn, gelinba waa cayne

    Eebbow wixii aan gefnana, yaan la nagu giijin

    Quraankii qalbiga uu geshiyo, diintu garranaayey

    Iyo camalki uu goorkastaba, gudan salaadiisa

    Illaahay jannada gogol xariir, kuu abaal gudiye

    Godku waasac kuu noqay illaah, kugu gargaar siiye

    Guddahii fardows lagu dhex gee, gallad niciimaade

    Geeddi dheer quraankoo macaan, noqoy gasiinkaaye

    Muslimkii gelbinayiyo ergadi, gurigu kuu nuure

    Oo guul raxmaankii ku sii, garo su’aashiiye

    Gurmadkiyo malaa’iig illaah, lagu guddoonsiiye

    Jimcaduu galboday khaaliqow, noqay mid guulaysta

    AAMIIN, AAMIIN5